Uncategorized

Drake oo si xun u garaacay Chris Brown, kuna jabiyay dhallo+ Sawiro

iftineducation.com – Heesaaga mareykanka ee Chris Brown ayaa waxaa loo garaacay si xun kadib markii ay Night Club lagu caweeyo isku dagaaleen fanaanka kale ee Drake lagu magacaabo oo  u dhashay Canada kaasoo dhallo ku jabiyay Chris kadib muran muddo ka dhaxeeyay labadan fanaan oo ku saabsan Fanaanada Rihanna ee Chris Brown uu lasoo jilay jaceyl haataanauu la socdo Drake.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaan uuka bilaawday  markii uu Chris Brown miiska uu fadhiyay Drake saaray dhallo Qamri nooca Champagne ah oo , uu hadiyad ahaan uga dhigay taasoo ay ku qorneed ( anigaa soo baashaaliyay qofta aad la socoto hada ), waxaana durbadiiba markii uu Drake aqriyay uu si toos ah ugu dhuftay Chris Brown, iyadoo ay Drake saaxiibiisna wax kala garaaceen Chris , waxaana loola cararay Chris markiiba Isbitaal. isagoo dhiig uu daboolay wajigiisa.

Chris ayaa ku tilmaamay iney fuleytinimo tahey in dhallo leysku tuuro, asago ku qoray safaxdisa Twitter sidatan:

Chris Brown ayaa markii lasoo daweeyay soo galiyay sawirada daqarkiisa  boggiisa twitterka. 



Chris Brown oo daqarkii uuka muuqdo , sawirkan ayuu shaaciyay. 
 
Chris ayaa waxey kala hareen Rihanna sanadkii 2009 kahor xafladii Grammy ga kadib markuu si xun u wajiga uga garaacay waxaana ay arintoodii gaartay maxkamad.


Rihanna boqorada ay isku burburiyeen darteed labada heesaa

Rihanna ayaa noqotay haatan qof darteed ay isku garaacaan labadan fanaan oo haatan ka mid ah kuwa ugu caansan dunida dhanka R&B ga.
 

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com