Uncategorized

Dhageyso:Madaxweyne C/Qasim Salaad Xasan oo Si aan hore loo arag Ula hadlay Dhinacyada Dagaalada udhaxeyaan

iftineducation.com – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaalia Dr C/Qasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu soo dhaweeyay natiijada shirkii magaaladda Istanbul ee beesha caalamka ay kaga dooday xaaladda Soomaaliya.

Waraysi dheer oo uu bixiyay ayaa Dr C.Qasim waxaa uu sheegay in hadda loo soo jeestay xaaladda Soomaaliya laakiin dadka Soomaalida ah looga baahan yahay in ay ilgooni ah isaga eegaan nooca dowlada iyo Barlamaanka la dhisi doono.

Waxaa uu ugu baaqay Odayaasha Soomaaliyeed in ay ka dhoorsanaadaan laaluush ay kusoo magacaabayaan dad aan uqalmin masiirka Soomaalida mar kale.

Dr C.Qasim oo Khurba-joog ka noqday dalkiisa kadib xilkiisii oo dhamaaday ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay gashay marxalad cusub laakiin kaliya ay tahay in laga feejignaado soo xulida Barlamaanka.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com