Uncategorized

Daawo Sawirada:Midowga Africa oo Magaalada Muqdisho kadhisaayo Iskuul”Wmunyinyi kahadlay”

iftineducation.com – Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa maanta dhagaxdhigay dugsi hoose oo loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta ku nool degmada Wadajir oo ku taalla koonfurta magaalada Muqdisho.
Dugsigan oo dhismihiisu ay ku baxayso in ka badan 50-kun oo doolar ayaa waxaa ku deeqay dawlada Spain iyadoo soo marsiiyey waaxda mashaariicda rayidka ee Midowga Afrika, sida uu sheegay danjire Wafulu Wmunyinyi oo wariyaasha kula hadlay meel ku dhow xeebta Jasiira ee degmada Wadajir oo ah halka dhismaha dugsigan laga hirgalinayo.
Dugsigan hoose oo loogu magacdaray ‘Dugsiga Xaaji Maxamuud Hilowle’ ayaa sida saraakiisha dhismaha wada ay sheegeen waxaa uu ka koobnaan doonaa siddeed fasal iyo qeybaha maamulka iyo barxad ay carruurta ku nastaan.  Waxaana dhulka laga dhisay bixiyey dawlada hoose ee magaalada Muqdisho.
Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa sheegay in mashruuca dhismaha dugsiga hoose ay ku xigi doonto dhismaha dugsi kale oo noqonaya dugsi sare si markay carruurta dhameystaan dugsiga hoose ay ugu gudbaan dugsiga sare.
Wafulu wuxuu sheegay in marka la dhameystiro dhismayaasha ay kuwareejin doonaan maamulka degmada Wadajir si ay ugu adeegaan dadweynaha degmada waxna loogu baro carruurta Soomaaliyeed.
Halka dhismaha dugsigan laga bilaabay ayaa ah meel ay si weyn u degan yihiin dadka barakacayaasha gaar ahaan xerada Rajo oo ku taalla duleedka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho iyadoo la filayo in carruurta barakacayasha ay ka faa’ideysan doonaan dhismaha dugsigan.
Daawo Sawirada:







____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com