Uncategorized

Arooska Ikraan iyo Saxardiid Oo Sida AFlaamta Romansigaa Faruurta Leys Qabsaday.

Ikraan iyo Saxardiid
iftineducation.com –  Ladaan fanaan ee Ikraan Maxamed Caraale iyo Saxardiid Maxamed Saxardiid ayaa arooskoodu ka dhacay magaalada Hargeesa maalmo ka hor, waxaana hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyay dad weynaha sida gaarkaa u taageera labadaan fanaan iyo weliba fanaaniin iyo dad weyne Soomaaliyeed.

Arooska Ikraan iyo Saxardiid ayaa ahaa mid ku dhisan jaceyl iyo qanaaco, waxaana dadka qaar ay ku macneeyeen inuu yahay Arooska qarnigaan, gaarahaan sanadkaan 2012, iyadoo laga dareemayay labadaan lamaane kalsooni aad u qota dheer iyo muuqaal ka duwan aroosyada caadiga ah.

Romansigu maaha wax ceeba ama lala yaabo marka labada qof ay yihiin kuwa is qaba, in kastoo dhaqanka Soomaalidu uu leeyahay xishood iyo asluub xadidaaya halka lagu sameyn karo romansiga noocaan oo kale ah.

Makula tahay in Labadaan lamaane arinta ay sameynayeen dhaqanka Soomaalida kasoo horjeedo?, mise waxaa la dhihi karaa waa horu mar la gaaray!.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com