Uncategorized

Waligaa Lamaantaada Qaladkaan Oo Kale Haka Galin Waligeed Kama Samreyso

iftineducation.com – Waxaa jira arimo si weyn haweenka u dhibsadaan gaar ahaan xaasaska , iyadoo qaarkood ay ku reebaan saameyn xun oo dhaawaca dareemaheeda hadaba ninyahoow iska ilaali arimahaas .

In aad dhaleeceyso oo aad wax ka sheegtay waalidkeeda , ogaaw dhaawac ayay arintaas gaarsiineysa lagamana yaabo in si sahal ah ay ku iloowdo .
In aad muuqaalkeeda wax kaga hor sheegto ehelkeeda ama ehelkaada maxaa yeelay waxa ay arinkaasi dhaawaceysa dareemaheeda .
In aad ku tiraahdo alla maxaad qurux badneyn markii aan is guursaneynay iyo in aad ra`iygeeda ama taladeeda ku yasto kuna liito dadka hortooda .
In aad haweenka kale la bar bar dhigto wanaaggana aad siiso haweenka kale , iyo in aad iska dhaga tirto marka ay kula hadleyso adna aad ihtimaam siineyso daawashada tv-ga , netka ama aqrinta wargeysyada .
Nin yahoow ogaaw arimahaan iyo kuwo kale si weyn ayay haweenka uga caroodaan, alla ninka caqliga badan waa kan xaaskiisa ama saaxibtiisa siiya farxad ogaaw lacagta farxad ma keento .

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com