Uncategorized

Teknolojiyada Oo Isu Bedeshay Tartan Ka Dhaxeeya Shirkadaha

Teknolojiyada Oo Isu Bedeshay Tartan Ka Dhaxeeya Shirkadaha
iftineducation.com –  Malayiin Weebsayt ( Barta Keydka Xogta ee Laga Daalacdo Aduunka ) ayaa tartan u gala in ay noqdaan kan ugu caansan ee ugu boqoshada, Weebsayt-yada ayaa in ay noqdaan caan iyo mid aad loo booqdo waxa ay daabacan xayeeysiino, wararka, suugaanta, taariikhaha, waxbarashada iyo macluumad la xiriira kuwa ay dadku daneeyaan taasi oo keenta in ay gaaraan booska ugu sareeya ee ( Most Popular of the World ) ugu Caansan.

Shirkadaha Ugu Caansan Dunida ee caanka ku ah weebsayd-yada ayaa kaalimaha u kala galay sidan.

  1. Google.com : waxaa la aasaasay 15-ka Sebtembar 1997. waana midka ugu weyn ee ugu caansan dunida Google Inc waxa uu leeyahay Afar Domain Server oo kala ah ns2.google.com, ns3.google.com, ns1.google.com and ns4.google.com. waana tan u fududeysa in Ilbiriqsi weliba oo marti geliyo wax ka badan nus malyuun soo booqade ah waxaan hubaa in aad mar dhow daalacatay amase Mar sii horeysay oo waqti kale ah
  2. Facebook.comSida Ku Cad Taariikhda Facebook waxa uu ka fac weyn yahay Google, waxaa la diiwaan geliyay magaca facebook.com 29-ka maarso 1997, waana mid ugu weyn e loo isticmaalo aaladah bulshada sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in uu yahay kan ugu kobaca badan dhanka macaamiisha ee ku xiran dunida dacaladeeda facebook ayaa hadda galay kaalintan oo ay horay u gashay Yahoo.com
  3. Youtube.com : Youtube waxaa dhidhibada loo taagay 15-ka Febraayo 2005, Google Inc ayaa ku iibsaday lacag dhan 1.65 Bilyan Oo lacagta Mareykanka, weebsayt-ka Youtube.com waa weebsayt-ka ugu weyn ee video lagu isticmaalo, dad badani ayaa ku noqday caan haddii uu jiri laheen youtube.com Justin Bieber Caan ma noqdeen
  4. Yahoo.com : waxa uu ahaa weebsayt-ka ugu caansan dunida uguna booqasho badan ka hor in aysan Google iyo Facebook soo shaac bixin, Yahoo.com ayaa Soo burqaday 18-ka Janaayo 1995-tii Adeegga Yahoo.com waa kan ay ku bixiyaan E-mail xor ah oo maanta ay weli isticmaalan milyan dad ah oo maalin weliba isugu dira e-mail-ka ama Lacagta lagu bixiyo Paypal
  5. Blogspot.com (Blogger.com) : waa waax ka mid ah Google.com oo Youtube iyo Blogspot waxa ay Wadaagaan Server-ka Google Inc, Blogspot Waxa la aasaasay 31-ki Juun 2000 Macluumaadka uu leeyahay waa mid si sahal ah aad ku heli karto waxaa tusaale kaaga filan adeegga Aduun.com | U Adeegaha Bulshada oo Qeyb ka Ah Blogspot.com Amase Si Kale Aan U Dhigo Waa Mid Si Sahal ah aad wax ugu Qori Karto Video, sawiro, iyo codba aad u gelin karto waa marka aad heysato Domain Name iyo Hosting Sida www.xaliimooyinka.com Amase www.faaraxyaasha.com
  6. Baidu.com : Waa Weebsayt Aad Looga Isticmaalo Qaarada Aasiya Booska Lixaad Waxa uu ku Helay in uu yahay Mid Ku Qoran Afka Mandarin oo sida google u baara wax weliba oo la weydiiya waxa uu la mid yahay Google.com waxaana la aasaasay 2000
  7. Live.com : Waxaa is kaleh Shirkadda Microsoft, waxa ay qabataa adeeg aan ku duwaneyn kan yahoo.com Microsoft ayaa diiwaan gelisay live.com 28-ka Diseembar 1994 live.com Hotmail.com Xbox live Waa bah Wadaag isticmaala server-ka ns1.msft.net ilaa ns5.msft
  8. Wikipedia.org : ayaa la aasaasay 13-ki Janaayo 2001 waana maktabada ugu weyn ee hawada laga isticmaalo iyada oo ku saleysan dariiqada Internet-ka waxaana ku xiran aqristayaal fara badan oo caalamka ku nool, waxaase xiiso badan in sanadkan aabaha unkay in uu ka codsaday aqristayaasha in ay deeq badbaado ah ku deeqaan si wax badan loogu qabto waxaase laga uruuriyay 13 Million Dollar
  9. Twitter.com : waxaa salka loo muday 21-ka Janaayo 2000 waxa uu ka mid yahay aaladaha bulsho oo si weyn loogu xiran yahay waana mid dahabi ah oo ay isticmaalaan dadka magaca weyn ku leh caalamka walow adeegsigiisa uu yahay mid aan soo jiidasho laheyn sida Facebook.com
  10. Qq.com : waxaa la abuuray 5ti may 1995 QQ waxa uu caan ku yahay wada sheekeysiga ( Instant Messaging ) waana Mid Si Weyn looga Isticmaala Gudaha Wadanka Shiinaha waana mid sahlaya Afka Mandarin

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com