Uncategorized

Naftiis hure oo isku soo dhex qariyay Ciidamo dabaaldagayey (Daawo Live Meeydka & Dhaawaca oo la kala garan waayay)

iftineducation.com – Magaalada Sanca ee caasimada dalka Yamen waxaa ka dhacday qiso aad u yaab badan oo sababtay inay ku mashquusho dhamaan warbaahinta Caalamka.Goob Amaankeeda aad loo adkeeyay oo ay ku dabaaldagayeen ciidamada Milatariga dalka Yamen ayaa waxaa isku soo dhex qariyay Qof naftiis hure ah oo dhexda ka galay Ciidamadii Damaashaadka iyo Xaflada ku jiray.

Xafladaan oo ay joogeen inta badan Madaxda dawlada Yaman iyo Ciidamada Qalabka sida ayaa mar qura waxeey isku badashay Xinjir gaduudan iyo Dhiig darbadiyadii qariyay ka dib markii Qofkii naftiis huraha ahaa uu mar qura isku dhex qarxiyay Bartaha goobtii ay Xafladaas Qaran ka socotay.
Dhimashada ayaa iminka waxay kor u dhaaftay 96-Qof oo Ciidamadii Dabaaldagayay ah halka Dhaawaca uu sii caga cageenayo in ka badan 300 oo Qof.Ruuxa is qarxiyay ayaa waxaa la sheegay inuu soo xirtay Dharka Ciidamadii Milatariga ahaa ee goobtaas Xaflada ku dhiganayay waxaana durbadiiba Qaraxaan sheegtay ururka Al.Qaacida kuwooda ka dagaalama gudaha dalka Yaman.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com