Uncategorized

Maxkamad Mareykan ah oo Qorsheenaysa in Xukun Dil ah ku rido Dhalinyaro Soomaali ah (Aqriso Magacyada Dhalinyaradaas)

..

Xukun Dil 
iftineducation.com – Maxkamad ku taala dalka maraykanka ayaa qorsheenaysa in xukun dil ah ay ku xukunto saddex dhallinyaro soomaali ah kuwaas oo lala xeriirinayo fal burcad badeednimo gaar ahaan falkii sanadkii hore lagu afduubtay markabkii yacht oo dowladda maraykaku ay iska lahayd kaas oo markii dambe si xoog ah looga soo furtay kooxihii burcad badeedda soomaalida ahayd islamarkaana qaarkood la soo qabqabtay .



Dhalinyaradaan soomaalida ah ee wajahaya xukunka dilka ah ayaa lagu kala magacaabaa Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar, waxaana maxkamaddu ay ku eedaysay inay dileen muwaadiniin maraykan ah xilli uu socday howlgal lagu soo badbaadinayo muwaadiniintaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda qaadaysa dacwaddan Eric Holder ayaa sheegay in dhalinyaradan soomaalida ah ay dambi ka galeen dalka maraykanka sidaa darteedna lagu qaadayo sharciga dowladda maraykanka uga dagsan dadka loo soo qabqabto falal burcad badeednimo iyo dilitaanka ay dileen muwaadiniinta maraykanka kaas oo ah xukun dil ah.

Qareenada u doodaya dhalinyaradan soomaalida ah ayaa maxkamaddu waxa ay ka codsadeen inay ka laabato go’aanka dilka ah islamarkaana ay qafiifiso xukunkeeda.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in bishan 22 keeda ay bilaaban doonto maxkamadaynta saddexdan ruux ee soomaalida ah islamrkaana dil lagu xakumi doono.

Xabsiyada ku yaala dalka maraykanka ayaa waxaa ku jira dhallinyaro soomaali ah kuwaas oo qaarkood lagu xukumay xabsi sanado ah , waxaana haddii talaabadan maxkamaddu ay ku dhaqaaqdo ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo dhallinyaro soomaali ah oo burcad badeednimo loo haysto lagu xakumo dil.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com