Uncategorized

Madaxweeyne Barack Hussein Obama oo dhex galay Ciidamada Mareeykanka ee jooga dalka Afghanistan(Daawo Muuqaal+Warbixi

..

Obama

iftineducation.com – Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama oo booqasho ku tagay dalka Afghanistan ayaa waxaa uu hal hal u gacan qaaday Ciidamada Mareeykanka kuwooda jooga dalka Afghanistaan kaas oo ku booqday xeryo fara badan .


President of the United States Mr.Barack Hussein Obama oo qudbadiisa aad u dheereed waxa uu carabka ku dhuftay inaysan jirin maalin ka muhiimsan maalintii la Dilay Hogaamihii ururka Al Qaacida Osama Bin Laden oo dhimashadiisa ay ka soo wareegtay mudo hal sano ah.

Madaxweeyne Obama oo Bin Laden ku tilmaamay nin Aduunka oo idil halis ku ahaa wuxuu sidoo kale amaan balaraan u soo jeediyay Ciidamada Mareeykanka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Navy Seals oo 2.5.2011 Hogaamihii ururka Al Qaacida Osama Bin Laden ku soo dilay guri uu ka degnaa magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan .

Madaxweeyne Barack Obama ayaa waxaa la sheegay booqashadiisa inuu ku soo adiyay Dilkii maalmihii la dilay Osama Bin Laden kaas oo doonaya inuu codad fara badan uga helo Shacabka dalka Mareeykanka maadaama ay soo dhawaatay xiliga doorashada Madaxtinimada dalka Mareeykanka.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com