Uncategorized

Ma Dooneeysaa oo ma jeceshahay In aduunyada Janno Kuu Noqoto Oo Aad Ku Sugto Janadii Aakhiro

iftineducation.com –  Qof weliba wuxuu jeceylyahay inuu dunida ku noolaado nolol macaan badan aakhirana uu ku dhex mushaaxo janada uu ALLAH ugu talo galay kuwii shaqeystay, balse qofkii doonayo inuu ku noolaado janada aduunyada iyo tan aakhiraba waa inuu kasbadaa 5 qodob oo aan dhanka hoose ku xusi doono, maadaama aay faro badanyihiin waxaanu kazoo qaadaneynaa in kooban aanu isleenahay waa muhiim.

  1. Noqo qof ahlu diin ah oo ku ad adag diintiisa jeceylna inta uu yaqaano inuu dadka kale u faaideeyo, inta uusan aqoonina jaceyl inuu kororsado oo barto, noqo mid si joogto ah ugu dhaqmo diintiisa oo ka fogaado waxyaabaha shaqsiga haleeyo sida Xanta, Beenta, I.W.M.
  2. Ku dadaal lamaane wanaagsan oo ahlu diin ah inaad hesho, waayo qof ahlu diin ah markaad hesho oo garanayo xaqa aad isku leedihin nolosha ugu macaanta badan ayaad ku noolaaneysaa, runtii nolosha oo idil waa lamaane ahlu diin ah oo had iyo jeer aad isku dhiiro gelisaan arimaha diinta, intii aad guursan laheyd lamaane ku yiraahda hees hebel ayaa soo baxday ee noo keen, guurso lamaane kugu yiraahdo muxaadaradii uu shiikha shalay meel hebel kazoo jeediyay inoo keen, hala soo boodin qofkaas oo kale lama helayo oo noqo mid baadi goobo xattaa hadii aay heesaha jeceshahay noqo mid u keeno muxaadarooyin kasheekeynayo dhibaatooyinka heesaha.
  3. Noqo mid had iyo jeer ku qanco qadarta ALLE waayo sabarka oo lala yimaado nolosha kaalin weyn ayuu ka qaataa, hadii aad qof sabar leh tahay waxaa qadka kabaxayo inaad had iyo jeer shalaayso “regret”.
  4. Xusuusnoow aduunyada macaanteeda waxaad heleeysaa markii aad ka fikirto maalinta la hor istaagayo ALLE, hadii aad maalintaas camal fiican u dhigato aduunyadana nolol fiican ayaad kaga nooleysaa, sideey culumada nagula dardaarmaan noqo mid maalintii wuxuu soo qabsaday habeenkii is xisaabiyo oo ALLE danbi dhaaf warsado.
  5. Waxaan soo sheegnay in nolosha ugu macaanta badan aay kamid tahay lamaane wanaagsan hadaba xusuusnoow in nolosha macaanteedana aay ka midtahay caruurta, balse waa in caruurtaasi aad ku barbaarisaa diinta islaamka si aad u hesho nolosha macaanteeda.

Intaas ayaan maantay kusoo koobeynaaa qodobadii aay idiin soo gudbinayeen Badweyn.com iyo Kobciye.com , inkastoo aay jiraan qodobo kale oo aad u fara badan balse akhristoow adigana dhanka hoose fikirkaaga ka dhiibo si fikradaada aay dadka kale kaga faaideystaaan.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com