Uncategorized

Layaab – Halkaan Ka Daawo ”Faah Faahin kasoo Baxday Wiilkii uu dhawaantaan sida Xun u dilay ninkii adeer u ahaa

iftineducation.com – Wiilkii uu dhawaantaan sida naxariis darada ah uu u dilay ninkii adeerka u ahaa ayaa sida ay sheegtay warbixinta booliisku inuu wiilkaas yar uu dhowr jeer oo hore uu wacday numbarka alarmiga ee 911 asagoo nafsadiisa u baqaayo iyadoona aysan booliisku arintaas wax ka qaban oo aysana ka hortagin in wiilkaas sida naxariis darada ah uu u dilo ninkaas, arintaas oo dhalisay muran weyn iyo inuu booliisku ku fashilmay inuu guto howshiisa.

Dhacdadaan naxdin badan oo ka dhacday magaalada Buffalo ee dalkaas Mareykanka ayaa nin Soomaali ah uu wiil uu adeer u ahaa uu sidii uu u garaacaayey wiilkaas uu nafta uga qaaday iyadoona oo uuna ku dhintay wiilkaas isla goobattaas., ayaa faah faahinta ka soo baxday baaritaanka booliiska magaaladaas waxay sheegeysaa in wiilkaas dhintey uu dhowr jeer oo hore ee sanadkii 2010 iyo 2011 uu wacday dhowr jeerr telefoonka alarmiga ee 911 asagoona u sheegay booliiska inay nafsadiisa qatar weyn ku sugan tahay oo uuna dhibaato weyn ku haayo adeerkiis, laakiin booliiska oo ka jawaabay teleefoonkaas ayaan wax qabasho ah ama xirid ah aan sameyn arintaas oo ah run ahaantiii wax lala yaabo, booliiska ayaa hada waxaa uu bilaabay inuu dabgal ku sameeyo sidey waxz u dhaceen iyo inay booliisku sameeyeen qaladaad looga hortagi karey inuu dhaco shilkaas naxdinta leh, sidoo kale ayaa waxay warbixintu sheegtay inuu adeerkaas wiilkaas uu ku garaacay ilaa iyo 70 jeer budka lagu fidiyo burka marka la sameynaayo sabuuska ama sawaayada. 




Ugu dambeyntiina aabahaan ama adeerkaan arxan laawaha ah oo lagu magacaabo Cali Maxamed Maxamud oo 40 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in wiil uu adeer u ahaa uu intuu qabtay oo uu afka kaga guray iskaalsho ama shalabaadyo ka dibna uu sharooto kaga dhajiyey afka oo uuna kursi ku xirxiray inuu si xun oo naxariis daro ah uu u garaacay ilaa uu ka geeriyoodo wiilkaas uu adeerka u ahaa, wiilkaan yar ee la dilay oo lagu magacaabi jirey Cabdifataax Maxamuud oo 10 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ka biyo diiday inuu u raaco guriga adeerkaas aan naxariista lahayn asagoona u baqaayey nafsadiisa, iyadoona sida ay dadka dariska ah ay sheegeen uu adeerkaas wiilkaas si qasab ah uu guriga ku galiyey, Ninkaan gacan ku dhiiglaha ah oo sida la sheegay joogay dalkaas Mareykanka mudo 10 sano ah ayaa waxaa uu ahaa nin waardiye ama ilaaliye ka ah xarun wabaahineed oo ku taal magaaladaas iyadoo sida uu sheegeyna ninka madaxda u ahaaninkaas uu u soo direy teleefoon markii uu falkaas geystay oo uuna u sheegay waxa dhacay, ninkaan ayaa waxay booliisku ka qabteen goobtii uu ka shaqeynaayey asagoona xabsiga ku jira dhawaantaana la hor keeni doono maxkamada.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com