Uncategorized

kaftan Saxaafadeed dhab ah.

iftineducation.com – Sida ku cad magaca kor ku xusan waa kaftan Saxaafadeed ku saleysan xaqiiq laga dhex sameeyay marxaladihii kala duwanaa ay soo mareen wariyayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan waqtiyadii adkaa ee la soo darsey taasoo ay xusid mudan tahay in wali ay jiraan dhibaatooyinka lagu hayo wariyayaasha iyo warbaahintaba.

Waxaa laga yaabaa in siyaabo kale duwan loo fasirto qormadaan laakiin ha ilaawina in aysan jirin ujeeda gaar ah oo laga leeyahay ama shaqsiyaad si gaar ah loogu waxyeelaynayo, waayo waa qeyb ka mid ah madadaalada maadaama Saxaafada ay ka kooban tahay Aqbaar, Aqoon iyo Madadaalo.

Waxaan inta badan diirada saareynaa Suxufiyiinta, kacdoonadii ku dhacay iyo magacyo raacay xiliyadaasi taasoo nagu dhalisay in Suxufiyiinta aan u kala qeybino seddex jiil oo kala danbeeyay watana magacyo kala duwan, Suxufikastna waxa uu halkaan ka garowsan karaa qeybta uu ka mid yahay isagoo ticraacaya waqtiga uu ku biiray Saxaafada.

Waxba yaanan warka idinku badininee waxaan u kala qeybinay seddexdaan jiil, Suxufiyiintii hore ee tirada yaraa tusaale ahaan markii laga soo bilaawo xiligii dowladii kacaanka iyo wixii ka horeeyay ilaa 2000 kun oo ah jiilka koowaad,
Jillka labaad waa 2000 kun ilaa xiligii dilka bareerka ah lagu bilaawey ee ku qasbay in ay dalka isaga soo hayaamaan inta badan Suxufiyiintii xiligaasi shaqeynaysay oo aheyd 2007-dii.

Jiilka seddexaadna waa kuwii u kacay in ay daboolaan booskii ay baneeyeen jiilkii labaad oo intooda badan u kala firxadey dalalka dariska iyo qaar ka mid ah gobolada dalka oo xiligaas ka amaan fiicnaa magaalada Muqdisho oo aheyd meesha dhibta ay ka bilaawatay.

Waxey hadba dhinac u kala firxadaanba hadana waxaa jirtay magaalo ay ka dhigteen saldhigooda ugu weynaa oo ay u arkayeen in ay ugu badbaadi kareen bartilmaameedka lagu ugarsanayey waana magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Jiilka labaad ma aheyn Suxufiyiintii ugu horeysay ee halkaas u soo hayaamay ee waxaa kaga sii horeeyay jiilkii koowaad oo markii dagalada sokeeya ay dalka ka dhaceen u qaxey magaaladaasi kadibna aduunka intiisa kale sii kala aadey inkastoo ay jiraan gaar halkaasi iska degay siyaabo kale duwana ugu noolaa balse ay aad u yareed dhaqdhaqaaqooda Saxaafada.

Hadaba dhacdooyin badan oo jiilalkaas Suxufiyiinta ah dhex maray intii magaaladaasi isku soo gaartay ayaa waxaa halkaasi ka raacay magacyo kala duwan oo macnooyin ugaar ah ka turjumayay.
Waxaana loo kala bixiyay:-
  1. Qaxaan qaxaa ka horeeyay oo ah jiilka koowaad
  2. Isbadaldoonka oo ah jiilka labaad
  3. Beesha Caalamka ama wariyayaasha caanka ah oo ah jiilka seddexaad.

Jiilka koowaad waxa uu raacay magaca ah Qaxaan Qax aa ka horeeyay kadib markii Wariyayaasha isbadaldoonka ah ay ku soo uruureen Nairobi kadibna dhaqdhaqaaq Saxaafadeed ay halkaasi ka bilaaween, deetana jiilkii koowaad ay ku soo baraarugeen Suxufiyiin ka tira badan oo Saxaafad mooyee wax kale oo ay la soo shirtageen aanan la arag halka iyaga ay howla kale isaga mashquuleen.

Waxey sidoo kale arkeen Suxufiyiintii isbadaldoonka ahaa oo la maacaamilaya hay,adaha caalmiga ah ee dhinaca Saxaafada iyo Xuquuqul insaanka iskuna dayaya in ay muujiyaan dhibka haysta iyo sida xal loogu heli karo.

Magaca isbadaldoonka waxa uu raacey bilowgoodii hore oo ahaa sanadkii 2000 kadib markii Warbaahin xor ah ay ka hana qaaday Muqdisho waayo tirada Wariyayaasha xiligaasi xamar joogay waa ay yaraayeen sidaas darteed ayaa waxaa halmar soo ifbaxay in isbadal loo baahnaa maadaama Warbaahin xor ah ay hana qaaday loona baahan yahay Wariyayaal isbadal sameeya oo kaafi ah marka sidaas ayey ku qaateen magaca Isbadaldoonka.

Hadaba aan u soo labanee Nairobi waxaa kulan qaatay Wariyayaal ka kala socdey Qaxaan qaxaa ka horeeyay iyo Isbadaldoonka, wadahadal kadib waxaa la soo jeediyay in la mideeyo labada garab oo hal qaab lagu soo bandhigo dhibta haysatay Wariyayaasha iyo sida loo xarin karaba.

Waxaa la isku qabtay cida looga danbeynaayo ee howshaasi wadayso kadibna dood kulul ayaa halkaasi ka bilaawatay oo Isbadaldoonkii ayaa is lahaysiiyay xaqa ah in ay ku hadlaan magaca Saxaafada iyagoo sheeganaya in ay qoxooti yihiin oo ay dareemayaan dhibka hada taagan balse garabka kale ayaa iyagana ku dooday in taas aysan sabab noqon karin waayo Qaxaan qax aa ka horeeyay ayey dhaheen oo ay ula jeedaa waa la idnka horeeyay qaxa ee wax kale la imaada hadii kale anaga nooga danbeeya wadida howshaan maadaama aan Saxaafada idinka horeynay.

Isbadaldoonka ma aysan quusan waxa ay ku doodeen in qixii ka horeeyay uusan ku imaan dhib Saxaafada u gaar ah balse ay kala mid ahaayeen dhamaan shacabka soomaaliyeed ee dagaalada sokeeyay ay ku habsadeen ugu danbeena sidaas ayey noqotay in howshaas loogu caleema saaray Wariyayaashii isbadaldoonka ahaa.

Intaas kuma soo afjarmin sheekadee waxaa sii laba kacleeyey isjiidjiidka iyo is eed eedka Wariyayashii kadib markii ay Nairobi soo gaareen jiilkii seddexaad oo iyagana doonayey in ay is muujiyaan kana qeyb galaan dadaalada socdey.

Waxaa si deg deg ah u furmay kulamo isdaba joog ah oo looga arinsanayay jiilka seddexaad ee soo kordhey, kadibna waxaa la isla gartay in la sameeyo laba guddi oo soo kala cadeeya dhab ahaanshaha Suxufinimo ee jiilka cusub oo kala ahaa guddiga Wargeysleyda iyo guddiga Idaacadleyda(Tv-yada sidaan ma aheyn waagaas).

Guddiyadii ayaa shaqadooda galay waxayna garteen wax ka yar seddexmeelood meel ka mid ah Suxufiyiintii jiilka cusub kadibna waxa la garan waayay wax la sameeyo markaas baa waxaa loo fariistay kulan albaabada loo xirtay oo muda qaatay kaas oo ugu danbeyn la isku afgartay in la sameeya magac bixin cusub oo ku saabsan jiilka cusub oo lagu aqoonsado jiilalkii ka horeeyay ileen lama hor istaagi karin oo lama dhihi karin ma cada Suxufinimadiina kadibna loo caleema saaray magac cusub oo ay ugu mid noqdeen Suxufiyiinta waana magaca an horey u soo xusnay ee wariyayaasha beesha caalamka.

Wariyayaasha beesha caalamka waxaa ka muuqatay in aysan ku qancin magaca loo soo xulay sidaas darteed waxa ay islamarkiiba furteen website-yo tira badan oo keentay in ay noqdaan jiilka ugu website-yada badan iyagoo islamarkaasna ay sii badanayeen qaladaadka dhinaca sharciga Saxaafada ah ee ay sameynayeen maalin walba taasoo sii xumeysay xiriirkii kala dhaxeeyay jiilalkii ka horeeyay.

Waxa ay sidoo kale sabab u noqdeen in loo diiwaan galiyo magacyo kale oo u gaar ah oo kala ah Wariyayaasha caanka ah waayo waxa ay bilaaween in ay isku muujiyaan websiteyada badan ay furteen kadibna waxa ay isugu yeereen Wariyaha caan ah iyo website-ka caan ah taasoo ay u sii dheertahay in ay ku gorgortamaan.

Waxaa sidoo kale u sii baxay magac kale oo ah Wariyayaasha gacanta fudud oo macnaheeda uu yahay in si deg deg ah oo aanan laga fiirsan ay war fadeexad ah oo waxba ka jirin ka qoraan madaxda ama shaqsiyaadka magaca ku dhex leh bulshada hadii ay ka waayaan danaha ay ka leeyihiin ama xoogaa ay u arkeen in uusan xishmaynanin oo uusan dhahaynin wariyaha caanka ah.

Waxaa sidoo kale ay aaminsan yihiin in dadka soo booqanaya website-yadooda ay kor u kacaan marka ay dad ku xad gudbaan ama ay sharaftooda meel ugu dhacaan waayo markii ay ka wada hadlayaan sida website loo caan bixin karo waxa ay aas aas ugu dhigaan in uu fadeexad, sharaf haleyn iyo wax aanan anshaxa saxaafada u fiicneyn la daabaco kadibna dadka soo booqanaya ay kordhayaan.
Dhamaad.

Waa kaftan Saxaafadeed dhab ah oo ay isu keeneenAbdullaahi Jama iyo Abdullahi Taajiroow.NB waa kaftan Saxaafadeed oo ujeedo gaar ah aan laga laheyn shaqsi ama koox gaar ah oo lagu xumaynaayana ma jirto, ha isu arkin in adiga laguula jeedo oo sumcadaada lagu dilaayo, wixii kuu cuntami waayana waa ka radin kartaa ama ka jawaabi karta laakiin ha gacan fududaanin kadibna qof ama koox haku xad gudbin.Mahadsanidiin.


xigasho:badweyn

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com