Uncategorized

Halkaan ka Aqriso Qodobadii ay isku afgarteen Saxiixayaasha Road Map-kab ee ku Shirayay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

saxiixayaasha Road Map-kab ee ku Shirayay Magaalada Addis Ababa
iftineducation.com – Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa ka mid ahaa :.

-In 26-ka May ay soo gaba gabeeyaan howshooda dhex dhexaadinta gudi loo xilsaaray xalinta odayaal dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka islamarkaana soo xuli doonta Baarlamaanka Cusub.


-In 1da June la soo gabagabeeyo howlaha lagusoo xulayo gudiga Ansixinta Dastuurka iyo soo Xulida Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo.


-in ugu dambeyn 20ka bisha June la helo oo la soo gudbiyo magacyadii ugu dambeeyey ee Golaha Ansixinta ayadoo loosoo gudbinayo gudiga Farsamada.


-In 30ka bisha June ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan golaha Ansixinta.


-In 2Jully ay si rasmi ah howshooda u bilaabaan gudiga Ansixinta iyo shirarkooda.


-in 10ka Jully la ansixiyo Dastuurka.


-in 15ka Jully gudiga loo soo gudbiyo ugu dambeyn magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka soo geli doona.


-in 20ka Jully la dhaariyo Baarlamaanka Cusub.


-In 04ta bisha August 2012 la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeennadiisa.


-In 20ka August 2012 la qabto doorashada Madaxweynaha Dalka.


-In Wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Road-Mapka ilaa inta laga soo dhameystirayo howshan.


Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa u sheegay BBC-da in shirkan uu ahaa mid is afgarad ka gaareen dhinacyada saxiixayaas,a isla markaana habka soo xulida odayaasha ay sii wadayaan odayaal cusub lagu soo biirinayo, waxaana uu xusay in Odayaasha Muqdisho ku sugan haatan dhamaan la isku raacsan yahay 95%.


Madaxda soomaalida ayaa saxiixay is afgaradkan cusub ee ay gaareen, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay waxaa uu Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageerida iyo dhiira gelinta ay u hayaan Dowladda Soomaaliyed.


“Sida aan wada arkeyno waxey noo tahay Farxad wuxuu shirku ku soo dhamaaday si wanaagsan taas micnaheedu wuxuu yahay qorshihii dhameystirka KMG inuu u socdo si wanaagsan waqtiga hareyna in loo sameeyey jadwal, howlaha dhiman sidii loogu qaban lahaa dhammaan kasoo qeybgalayaashana waxey muujiyeen dadaal iyo firfircooni”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.


Madaxweyne Shariif ayaa ku baaqay in wada shaqeyn laga yeesho sidii loo dhameystiri lahaa Road Map-ka, isla markaana si farxad ku jirta shacabka Soomaaliyed loogu muujiyo wada jir iyo garab istaag.


Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Itoobiya marti gelinta shirkan, isagoo shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday howl galada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen Shabaab, oo uu ugu hambalyeeyay guulaha ay soo hoyeen.


DAAWO SAWIRADA:

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com