Uncategorized

Guurka Ikraan Caraale oo beri ka dhici doona Magaalada Hargaysa

..

ikraan caraale
iftineducation.com – Guurka Saxardiid Maxamed Saxardiid iyo Ikraan Maxamed Carraale ayaa wuxuu af-jarayaa hadal-heyntii mar sii horreysay soo baxday ee ahayd in Ikraan Carraale ay jeceyl u qaadday Fannaanka Shiine Akhyaar, sidaas darteedna ay heesteeda Gaarsiiya ay u qaadday Shiine Akhyaar oo ay u dhaxdo fannaanadda Falis Cabdi Maxamuud oo iyadana hees ay qaadday oo Garaadlaay la yiraahdo loo fasiray in ay ku difaacaneyso ninkeeda, isla markaana ay heestaas ugu jawaabtay Ikraan.

Haddaba, war oo dhan wuxuu ku soo uruurayaa in meherka fannaanadda Ikraan Carraale uu beeri dhacayo.

Bahda Warqaad.com ayaa sidoo kale waxay hambalyo u dirayaan lammaanaha is-doortay ee meherkeedu dhacayo maalinta berri ah, waxaana leenahay meherkiinu ha noqdo midkii aqal-galku ka dambeeyo.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com