Uncategorized

Gabar kasoo jeeda Mexica oo uurka ku wada 9 caruur ah “Daawo Muuqaal”

..

Karla Vanessa

iftineducation.com – Gabar udhalatay Dalka Mexican ayaa waxaa ay leedahay uurka 9 caruur ah oo kala ah Lix gabdhood iyo Sedex wiil– waxaa sidaas laga shaaciyay Tv-ga ugu weyn dalkaas .

Gabadhan oo lagu magacaabo Karla Vanessa Perez degana waqooyi galbeed Gobolka Coahuila, oo xaduud la leh Texas. ayaa waxaa lagu dabiibayaa isbitaal kuyaa caasimadda Saltillo, saxaafada ayaa sidas soo warisay.

Riix Halkan si aad udaawao Warbixinta TV-Ga Perez oo aan la shaacin da’deeda ayaa sheegtay in ay dareento xanuunka ay ku hayaan caruurta badan.

Warkaalada kasoo baxa Gobolka Haweenaydan ay ku nooshaya Notimex ayaa sidoo kale sheegtay in uurka Perez uu yahay mid ku eg May 20 ayna xiligaas dhali doonto.

“si aad ah ayaa xitaa loogu dhaqsaday magac bixinta caruurtan,” ayay Perez usheegtay Wakaaladda Notimex. “ugu horeyn waxaa rajaynayaa in wax kasta ay udhacaan si wanaagsan.

Waxaa ay noqon doontaa caruurtii ugu badnayd ee hal mar dhasha hadii lagu guulyaysto in ay si caafimaad ah ku dhasho.

Sanadkii 2009-ka ayay ahayd markii gabar degan gobolka California ay dhashay 8 caruur ah.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com