Uncategorized

Dhulgariir ku dhuftay dalka Talyaaniga oo Dhulka dhigay Kaniisado farabadan & Dhimashada oo sii badaneeysa (Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Waqooyiga dalka Talyaaniga gaar ahaan Kaniisado ku yaal San Marino oo ku taal magaalada Buonacompra (Ferrara) ayaa waxaa mar qura ku dhuftay Dhulgariir lixaad leh kaas oo dhulka dhigay Guryo iyo Kaniisado ku yaalay goobtaas.

Dad badan ayaa ilaa hada waxa ay yihiin Guryo la´aan waxaana Masiibadaan ku dhimatay in ka badan 10 Qofood halka dhaawacana uu sii caga cageenayo 100-Qof. Gaadiidka Gurmadka deg dega ah oo goobahaas gaaray ayaa daarihii dumay waxay ka soo saareen dad Waayeel iyo Caruur u badan waxaana goobtii uu Dhulgariirka ka dhacay weli ka taagan cabsi weeyn.

Deegaano aad uga fog halkii uu Dhulgariirka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale laga dareemay Dhaqdhaqaaqa Dhulgariirkaan waxaana ka mid ah goobihii laga dareemay Dhulgariirka magaalooyinka caanka ah ee Modena iyo Bologna ilaa Florenza-na dadku waxeey farta ku hayaan wadnaha kuwaas oo ka cabsanaya inuu Dhulgariirkaas soo gaaro ama ku soo fido deegaanadii laga dadreemay xiligii uu dhacayay .





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com