Uncategorized

Daawo Muuqaal ahaan Dhaqtarkii jaajuusay islamarkaana u gacan galiyey Dalka Mareykanka Hogaamiyihii Alqaaciida Osama Bin ladan

iftineducation.com – Dhaqtarkii jaajuusay islamarkaana u gacan galiyey dalka Mareykanka hogaamiyihii Alqaaciida Osama Bin ladan taas oo keentay in la dilo hogaamiyahaas ayaa waxaa la sheegay in lagu xukumay xabsi gaaraayo ilaa iyo 33 sanadood iyadoona ay arintaas caro weyn ka muujiyeen dowlada dalka Mareykanka.

Dhaqtarkan oo lagu magacaabo Shakil Afridi oo 48 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu si weyn uga caawiyey heyada sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA sidii ay u helil la lahaayeen halka uu uga sugan yahay hogaamiyii alqaacida Osama Bin Laden, dhaqtarkaan ayaa waxaa la sheegay inuu abaabulay talaal been been ah asagoona magaalada Abbottabad ee ku sugnaa hagaamihaas la dilay ka sameeyey talaalkaas laakiin talaalkaas ayaa waxay ujeedka ka dambeysa ay ahayd inuu soo uruuriyo xogta DNA ee dadka ku dhaqan degaankaas taas oo keentay inay CIA ay si sahlan u ogaadaan halka uu kaga nool yahay magaaladaas Osama Bin Laden ka dib ay halkaas ku weerareen hogaamiyaas oo ayna ku dileen ciidamada kumaandooska ee dalkaas Mareykanka iyadoona xilligii la qaadayey weerarkaas ay madaxda sare ee dalkaas Mareykanku oo uu ugu horeeyo madaxweyne Obama ay si Live ah ama toos ah ay u daawanayeen weerarkaas lagu dilay Osama Bin Laden, Laakiin falka uu ninkaas ku kacay ayaa waxaa ka xumaaday dowlada dalka Pakistaan taas oo keentay in ninkaas lagu soo taago maxkamad arintaas ka dibna lagu xukumo xabsi gaaraayo ilaa iyo 33 sanadood.



Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas xabsiga la dhigay islamarkaana ya dowlada dalka Pikistaan ku soo eedeeyeen inuu galay qayaano qaran maadaama uu ninkaas kala shqaayey sirdoonka dalka Mareykanka arin aysan ka war heynin dowlada dalka Mareykanka ayaa waxaa arintaas ka hor yimid dowlada dalkaas Mareykanka oo ku tilmaantay howsha uu qabtey ninkaas mid wax gal ah islamarkaana uu badbaadiyey nolol badan oo dadka Mareykanka iyo reer Pakistaanba ah, Sidoo kale ayaa xoghaya arimaha dibada ee dalka Mareykanka haweeneyda lagu mgacaabo Hillary Clinton waxay ku tilmaantay xariga ninkaas mid qalad ah ayadoona codsatey in si deg deg ah xabsiga looga sii daayo.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com