Uncategorized

Ciidamada Jabuuti oo Maanta soo Buuxdhaafshay Magaalada Baladwayne

..

Ciidamada Jabuuti oo Maanta soo Buuxdhaafshay Magaalada Baladwayne
iftineducation.com – Wararka ka Imaanaya Magaalada Baladwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Tibaaxaya in Saakay ay Halkaasi Howl galo ka wadaan Ciidamada Jabuuti ee dhawaan la geeyay Magaaladaasi.

Ciidamadani oo Horay ugu Sugnaa Xeryaha ay ka Dagan Yihiin Magaalada Baladwayne ayaa saakay la arkayay ayagoo gaaf wareegaya daafaha Magaalada waxaana la Filayaa in Saacadaha so socda ay Howl galo balaaran ka Fuliyaan Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti ay ka soo baxeen Xerooyinka, waxaana la sheegay in ay banaanka ula soo baxeen hubkooda iyo agabkii kale ee Milatari Sidoo kale waxaa xiran dhaq dhaqaaqyadii dadka iyo gaadiidka magaalada B/weyne, waxaana Wadooyinka magaaladaas lagu arkayaa Ciidamada Jabuuti oo gaaf wareegaya.

isku soo wada duuboo Maaha Markii Ugu horaysay ee Ciidamo ka Socda Wadamada Jaarka ay Howl galo ka sameeyaan Magaalada Baladwayn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com