Uncategorized

Booliiska Dalka Kanada oo ilaalo xoogan ka haya saxarada Nin Tuug ah oo Xaday dheeman qaali ah(Daawo Muuqaalkaan)

iftineducation.com – Booliiska dalkaas Kanada ayaa waxaa la sheegay inay ilaalo xoogan ka hayaan nin tuug ah oo ku jira xabsi ku yaala dalkaas ka dib markii uu ninkaas xaday dheeman qaali ah ka dibna uu laqay dheemankaas iyadoona uu booliisku ilaalinaayo saxarada ninkaas. 

Booliiska magaaada Windsor, Ontario ee dalkaas Canada ayaa waxaa la sheegay inay ilaalo xoogan ka hayaan nin tuug ah oo lagu magacaabo Richard Mackenzie Matthews, oo 52 sano jir ah ka dib markii uu ninkaas uu laqay dheeman qiimihiisu uu gaaraayo ilaa iyo 20,000 oo doolar, ninkaan oo sida la sheegay soo galay dukaan lagu iibiyo dheemanka waxaa uu u sheegay inuu doonayo inuu iibsado dheeman iyadoona loo saa bandhigay dhowr xabadood oo dheeman qaali ah laakiin ninkaan ayaa waxaa uu ku badaley wax dheeman u eg oo uu watay asagoona dheemankii saxda ahaa qarsadey, laakiin haweeneydii iibineysay dukaanka ayaa dareentay falka ninkaas, taas oo keentay inuu ninkaas markii la qabtey oo ay u suuro gali weysay inuu xado waxaa uu liqay gebi ahaantiisba dheemankaas, taas oo keentay inay booliisku xabsiga dhigaan islamarkaana ay sugayaan ilaa uu ninkaas ka saxarooda dheemankaas uu dhunkiyey




Sidoo Kale ninkaan oo markii hore lagu xirey qol gooni ah oo aan wax musqul ah lahayn ayaa ka dib loo gudbiyey qol u gaar ah oo loo diyaariyey kaas oo saxradiisu ay ku dhaceyso meel gooni ah islkamarkaana ay booliisku kala socon karaan waxa uu saxarooda ninkaas, Sidoo kale ayaa ninkaas waxaa uu ogolaaday in la siiyo walxaha caloosha socodsiiyo si ay u fududaato inuu si dhaqso ah ku soo baxo dheemankaas qaaliga ah.


Ugu dambeyntiina iyadoo wali uu ninkaas tuuga ah uu xabsiga ku jiro mudo todobaad ku dhow islamarkaana uu booliiska dalkaas Kanada ka war dhowraayo waxa ka soo baxo saxarada ninkaas ayaa sida uu sheegay Sgt. Brett Corey oo u hadlay booliiska magaaladaas inuu ninkaas uu dhowr jeer tegay musqusha laakiinse aysan waxba ka soo bixin, sidoo kale ayaa raajada la saarey ninkaas inkastoo ay ka muuqdaan waxyaabo u ekaa dheemankaas aanan la xaqiijin karin dhab ahaantii inuu yahay dheemankii uu la qay ninkaas.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com