Uncategorized

agaalkii dhex maray Ciidamada Mareeykanka iyo Taageerayaashii Marxuum Gen Caydiid (Daawo Muuqaal Xasuus ah+Warbixin)

iftineducation.com – 3-dii bishii Oktoobar sanadkii 1993-kii Ciidamada Mareeykanka gaar ahaan kuwooda Kumaandooska ah ee loo yaqaan Rangers waxay weerar qorsheeysan ku soo qaadeen guri ku yaalay agagaarka Suuqa Bakaaraha halkaas oo ay ku Shirsanaayeen Madaxdii Isbaheeysiga SNA ee uu hogaamin jiray Allaha u naxariistee Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Xasan Caydiid.

Gen.Caydiid oo ahaa shaqsi aad u kaarto badan gurigii ama goobtii uu Shirka uga socday madaxdii ururkiisa waxa uu iskaga baxay intii aysan soo weerarin Ciidmadii Mareeykanka wuxuuna kula taliyay Madaxdii Isbaheeysiga SNA inay Shirka dib u dhigaan kana tagaan koobtaas oo uu Jananka u arkay halis lagu soo wajahan yahay.


Goor Casir ah dadkuna nasasho ku jireen ayaa waxaa Suuqa Bakaaraha iyo deegaanada ku xeeran afarta dhinac ka soo galay Ciidamo aad u hubeeysan oo Rangers-ka Mareeykanka ah wuxuuna bartimaameedkooda ahaa inay gacanta ku dhigaan Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Xasan Caydiid oo mudo dheer Dagaal kala soo horjeeday Ciidamadii UNOSOM oo uu xiligaas hogaamin jiray Mareeykanka.




Qorshihii Mareeykanka oo ahaa inay si deg deg ah Xaafadahaas uga baxaan marka ay gacanta ku dhigaan General Caydiid iyo ragii kale ee kula jiray ururkaas ayaa waxa uu noqday qorshahaas mid dhicisoobay waxaana jidadka mid iyo Qori ula istaagay Ciidamadii Mareeykanka Taageerayashii Ururka SNA taas oo sababtay inay Ciidamadii Mareeykanka ahaa ku dhex dhumaan Xaafadaha Koonfurta magaalada Muqdisho oo uu Dagaalka guud ahaan ku faafay.


Dagaalkaan oo aanan waxba la isku reeban waxaa Jidka Warshadaha, Tarabuunka ,Xamar Weeyne iyo dhanka Dekeda Muqdisho laga xiray ama laga hor istaagay dhoor jeer gurmad aad u fara badan oo ka tirsanaa Cidamadii United Nations Operation in Somalia kuwaas oo doonayay inay xoog ku soo furtaan Boqolaal ka tirsan Ciidamada Rangers-ka Mareeykanka oo ku go´doonsanaa Degmooyinka Wardhiigleey, Hoowlwadaag iyo Hodan.


Dagaalkii Ciidamada Mareeykanka ee Rangers-ka oo lagu tiriyo kuwii Taariikh ahaan ugu xumaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa waxaa ka qeeyb qaatay dagaalkaas Taangiyo iyo Diyaaradaha Helikobtarka loo yaqaan kuwaas oo qaarkood la soo riday waxaana sidoo kale Hawada sare Duqeen ka waday Diyaarad uu xiligaas Mareeykanka soo saaray taas oo lagu magacaabi jiray AC 130.


Dadkii Shacabka ahaa ee xiligaas la dagaalamayay Ciidamada Mareeykanka ayaa waxaanu hadaladooda ka xusi karnaa ” Raanjeris ma Rooti baa Rayidkii ayaa Raamsadee? ” Mareeykanka oo Dagaalkaas dhoor gurmad soo gaaray ayaa hadane gaari waayay wax Guul ah maxaa yeelay Jidadkii Muqdisho ayay ku dhex dhumeen waxaana Xabad la dul taaganaa Shacab careeysan oo ka xumaaday Diyaarado lagu duqeeyay xiligaas.


Habeenkaas magaalada Muqdisho waxaa maalin cad ka dhigay Hugunka Madaafiicda & Duqeeynta Diyaaradaha waxaana dhanka Garoonka Stadium Muqdisho ka soo galay dagaalka Ciidamadii ka socday dalka Pakistaan kuwaas oo la jiray Mareeykanka waxeeyna ka xumaayeen 25 Askari oo ay ka dileen dagaalkaas ka hor Maleeshiyaad ka tirsanaa ururka SNA.


Dagaalkaas oo la isku riiqmay ugu dambeeyntii waxa uu sababay in uu hoowgalkii Ciidamadii UNOSOM fashil ku dhamaado waxaana guud ahaan bilaabay inay dallka Somalia iskaga baxaan Ciidamadii United Nations-ka oo ka kala socday ku dhawaad 30-dal.


Ciidamadii Mareeykanka ee ka dagaalamay gudaha dalka Somalia waxeey xiligaas eedeeyn kulul u soo jeediyeen Ciidamadii ka socday dalka Talyaaniga kuwaas oo diiday inay dagaal la galaan Taageerayaashii Isbaheeysiga SNA ee uu hogaamin jiray Marxuum General Maxamed Faarax Xasan Caydiid.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com