Uncategorized

Shil Diyaaradeed oo Shalay ka Dhacay Gaalkacyo

..

image
diyaarad
iftineducation.com – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ay maanta Diyaarad nooca Rakaabka ah ay shil ku gashay kadib xili ay ku guda jirtay iney soo caga dhigato garoonkaasi.
Wararka hordhca ah ayaa sheegaya in diyaaradani oo nooceedu ahaa Ilyushin ah oo u kireysneyd Shiradkka Diyaaradaha ee Jubba ayaa la sheegay in xilli ay ku guda jirtay iney soo cago dhigato ayaa la sheegay in mid ka mid ah taayarada Diyaaradaasi uu qarxay taasina ay sababtay iney dheeliso, iyadoo la sheegay in baalasha diyaarada ay dhulka jiiday in muddo tasoo sababtay in baalayasha mid kamid ah go’o kadibna afka dhulka gashatay.
Wararka ayaa sheegaya in rakaabkii saarnaa ay dhibaato xoogan kala kulmeen gudaha diyaarada kadib markii qiiq badan uu gudaha ugu galay, kiyadoo laba ka mid ah Rakaabka ay neef qabatin ku dhacay, hase yeeshee inta kale rakaabka ayaa la sheegay ineysan soo gaarin dhibaato marka laga reebo cabsi xoogan oo ay kala kulmeen, diyaaradaha u kireysan Shirkadaha Soomaalda ayaa mudd 20 sano ah ka howl galaayay kuwaasoo aan ceymis ku jiran.
Diyaarada ayaa k timid magaalada Muqdisho, shilkuna wuxuu dhacay markey soo degtey xili ay diyaaradu dhulka maraysey, xawaare saa’id ahna aysn ku socon.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com