Uncategorized

Nin habeen qura la aqal galay 2 Gabdhood oo ay qaraabo yihiin (Daawo Sawirada Arooska)

iftineducation.com – Dalka ciraaq ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday arin la yaab leh ka dib markii nin ku nool dalkaas uu habeen qura la wada aqal galay 2 naagood oo ay qaraabo yihiin arintaas oo ay da badan la yaabeen.

Ninkaan oo lagu magacaabo Abdul Rahman Nayef al-Obeidi oo 20 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu dhawantaan la aqal galay ama uu aroosay habeen qura laba dumar ah oo uu dhaleen adeeradiis, labadaan dumarka ah oo lagu kala magacaabo Intidhar oo 17 sano jir ah iyo Sucaad oo iyadana 22 sano jir ah ayaa waxaa uu dhawaantaan ka dhacay magaalada ama tuulada Al-Laqlaq oo ku taala waqooyiga Tikrit ee dalkaas Ciraaq, ninkaan oo sheegay inuu labadaas gabdhood oo ay dhaleen laba ka mid ah adeeradiisa laxmiga ah uu sheegay inuu labadaba uu jecel yahay oo uuna kala dooran waayey sidaas awgeedna uu go’aansadey inuu labadaba mar qura wada arooso ayadoona ay taasi u suuro gahsay ninkaasi arintaas sida muuqata.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas uu hada la aqal galay labadaas dumar ayaa waxaa la sheegay in qaar ka mid ah qaarabada ninkaasi ay markii hore ka soo horjeesteen falkaas oo ay ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn, Laakiin qaar badan oo ka mid ah ehelada ninkaas ayaa soo dhaweeyey arintaas iyadoona aabaha dhalay ninkaas oo lagu magacaabo Nayaf Hamid uu sheegay inuu ku farasan yahay falka uu sameeyey wiilkiisa sidoo kale ayey hooyo Rasmiya Mohammed oo ah hooyada dhashay ninaas ayaa sheegtay inay taageersan tahay arintaas iyadoona intaas raacisay inuu wiilkeedu jecel yahay labada gabdhoodba, Sidoo kale ayaa Intidhar oo ah mid ka mid ah labada haween ee la aroosay ayaa sheegtay inuu ninkeeda u sheegay inuu labadoodaba hal mar wada aroosaayo iyadoo sheegtay inay aqbashay arintaas laakiin ku xirtey inuu labadoodaba uu si cadaalad ah oo isku mid ah uu ula dhaqmo.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com