Uncategorized

Dadka Madowga ah ee ku nool Dalka Yeman oo lagu haayo cunsurinimo iyo xaqiraad iyadoo dadkaas…(Daawo Muuqaal Ahaan)

iftineducation.com – Dadka madowga ah ee ku nool dalkaas Yeman ayaa waxaa la sheegay in lagu haayo cunsurinimo iyo xaqiraad iyadoo dadkaas oo asal ahaan Yeman ah loola dhaqmo dad ka hooseeya dadka kale ee Yemanta ah ee midabka cadaanka leh ama ah dadka asal ahaan ka soo jeeda carabta.


Dadkaan madowga ah oo asal ahaan ah dad u dhashay dalka Yeman ayaa waxaa la sheeegay in la yiso islamarkaana loola dhaqmo inay yihiin dad ka hooseeya bulshada inteeda kale iyadoona dadkaas loo arko inay yihiin dad adoon ah oo u joogo dalkaas Yeman inay u shaqeeyaan dadka Yemanta ah ee asal ahaan carabta ka soo jeeda, dadkaan madow oo loogu yeero magaca Akhdam oo macnaheedu yahay adeegayaal ayaa waxay yihiin kuwo ku nool nolol aad iyo aad u liidato iyagoona qabta shaqooyinka hoose oo ay ka faanaan dadka Yemaniyiinta ah ee midabka cadaanka ah leh, dadkaan ayaa sidoo kale waxay ku nool yihiin xaafado gaar u ah oo ka sameysan sandaqado iyo bushash ay iyagu gacantoodu ku sameysteen iyadoona ay halkaas ku heysato nolol xumo.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadkaas madowga ah ee Yemaniyiinta ah loola dhaqmo habkaas naxariis darada ah ee lagu duudsinaayo xaquuqdooda ayaa waxaa la sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka Yemanta ah ee midabka cadaanka ah ah leh ay aaminsan yihiin inaysan dadkaan aysan ahayn dad Yemaniyiin ah iyagoona ku sheego iany yihiin dad adoon ah oo ka soo jeedo wadamada Afrika islamarkaana aan lagu qasbi karin inay noqdaan dad Yeman ah, dowlada dalkaas Yeman oo dhowr jeer sameysay balanqaadyo ay wax uga qabaneyso nolosha baaba’asan ee dadkaas ayaan wax ka qabsaamay aysan jirin iyadoo dadkaasina ay wali ku nool yihiin nolol silic iyo saxariir ah oo adag islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabaneyso arintooda.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com