Uncategorized

Xayeysiin lagu Habaaraayo islamarkaana meel ka dhac ku ah Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Lasoo bandhigay(Daawo Muuqaalkaan)

iftineducation.com – Xayeysiin lagu habaaraayo islamarkaana meel ka dhac ku ah madaxweynaha dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay muran weyn ay dhalisay iyadoo taageerayaasha iyo xubnaha baarlamaanka ee xisbiga Dimoqoraadiga ee dalka Mareykanku ay codsadeen in gebi ahaanba la joojiyo xayeysiintaas oo dhan.


Xeyeysiintaan oo ku lifaaqan halka laga raaco metraha ama tareenada mara dhulka hoostiisa ee loo yaqaan Clarendon Metro station ee magaalada Arlington ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa ay ka hadleysaa habka cusub ee uu madaweyne Barack Obama u maareeyey sharciga ceymiska caafimaadka ee dalkaas Mareykanka iyadoona lagu sheegay in sharcigaas u cusb uu u horseedaayo dhib weyn oo hor leh dhamaan dadka Mareykanka, Barack Obama waxaa uu rabaa inuu siyaasada iyo caafimaadka dalka Mareykanka uu ku amar ku taagleeyo naarta gal Barack Obama ayey u qorneyd xayeysiintaas, Laakiin arntaas ayaa waxaa ka caroodey taageerayaasha Barack Obama iyagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali karin waa arin xun oo ka turjumaeysa ixtiraam la’aan aan loo heynin madaxweynaha dalka Mareykanka sidaa waxaa yiri Jim Moran oo ka mid ah mudanayaasha kongereeska ee xisbiga Dimoqraadiga asagoona codsadey in laga fujiyo xayeysiintaas halkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo Maamulka goobtaas laga raaco metraha ay diideen inay xayeysiintaas ka qaadaan meesha oo ayna ku tilmaameen arintaas mid ka hor imaaneyso xoriyatul qoolka uu qofku xaqu u leeyahay, ayaa sidoo kale ay qaar badan oo kamid ah dadka Mareykanku ay si aad iyo aad ah ugu soo horjeedaan madaxweyne Barack Obama iyadoona xayeysiintaana sida la sheegay ay tahay mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyo loogu sii gogol xaaraayo oo wadada loogu sii furanaayo doorashooyinka soo socdo ee madaxweynanimada dalkaas Mareykanka ee dhamaadka sanadkaan gaar ahaana bisha Novembar ee sanadkaan ka dhici doono dalkaas.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com