Uncategorized

Wiil 8 sano jir ah oo Maalintii Caba In ka badan 2 baakadood oo sigaar ah taas oo ay dad badan la yaabeen(Daawo Muuqaalkaan)

iftineducation.com – Wiil 8 sano jir ah oo u dhashay dalkaas Indooniisiya ayaawaxaa la sheegay in looga maaro waayey cabitaanka sigaarka iyadoona uu wiilkaas cabo maalintii sigaar ka badan 2 baakadood oo sigaar ah taas oo ayna dad badan la yaabeen ayna waalidkiisna ka muujiyeen wel wel aad iyo aad u badan.

Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Adi Ilham oo 8 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay cabo maalin kasto sigaar gaarayo 2 baako oo sigaar ah, taas oo kentay inay wiilkaas ku noqoto arin adag inuu joogo sigaar la’aan islamarkaana uu noqdo qof dagaal iyo rabsho ku kiciya reerkiisa marka uu sigaarka waayo sida ay sheegeen waalidka willkaas hooyadiis Ninah iyo aabaha wiilkaas oo lagu magacaabo Agan Umar asagoona wiilkaas jajabiyo dariishadaha qofkastana wax gaarsiiya taas oo keenta inay waalidka wiilkaas ay ula soo ordaan sigaar ka dibna uu dego oo uu qaboobo wiilkaas markii uu ku dhufto ama uu cabo sigaarka, Wiilkaan oo hada guriga iska joogo ka dib markii laga soo ceyriyey iskoolka ayaa oo soo jiitey dhamaan indhaha caalamka, iyadoona sida uu sheegay madaxa barbaarinta caruurta ee dalka Indooniisiya oo lagu magacaabo Arist Merdeka Sirait ayaa waxaa uu dusha uga duurey musuuliyada arinta wiilkaan qabsatey xayeysiinta shirkadaha SIgaarka oo keenta inay ilmuhu u arkaan sigaarka wax wanaagsan ayna bilaabaan isticmaalkiisa


Ugu dambeyntiina iyadoo xaalada wiilkaas ay mareyso heer xun oo halis ah islamarkaana uu u baahan yahay in si deg deg ah uu u helo gar gaar caafimaad oo wax looga qabanaayo arintaas ayaa waxaa la sheegay in wiilkaas hada loo qaaday caasimada dalkaas Indoniisiya ee Jakarta islamarkaana halkaas lagu sameyn doono baaritaan caafimaad islamarkaana lagu sameyn doono dhaqan celis looga gooyo sigaarkaas, dalkaas Indonisiya oo ay ka tahay wax caadi ah cabitaanka Sigaarka ee caruurta ayaa sidoo kale sanadkii 2010 waxaa aduunka ka yaabsadey wiil yar oo 2 sano jir ahaa oo u dhashay dalkaas Indonisiya oo sidaas oo kale 2 baako oo sigaar ah cabaayey maalin walba.




____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com