Uncategorized

Websit La Sheegay in Sameytiisa uu dhaliyey muran weyn iyo Wabkaas oo Laga Qayliyay iyo Kumanaan Dad ah …(Daawo Muuqaalkaan)

Cunsurnimo
iftineducation.com – Dadka u dhashay wadanka Poland ee ku nool dalkaas Holland ayaa waxaa la sheegay inay ka cabanayaan cunsurinimo iyo midab kala sooc uu ku haayo xisbiga cunsuriga ah ee ku caan baxay muslim naceybka ee PVV ee uu hogaamiyo ninka laga magacaabo Geert Wilders ka dib markii uu xisbigaas dhawaantaan uu sameeyey bog ama website lagu soo bandhigo dhibaatada ay dadka Polandka iyo waliba kuwa ka yimid yurubta bari ay ku hayaan dalka Holland.

Websitekaan sameytiisa oo dhaliyey muran weyn ayaa dadka Polishka ah ee ku nool dalka Holland waxay ku tilmaameen wax aan la aqbali karin in qeyb ka mid ah bulshada loo sameeyo bog lagu soo bandhigo dhibaato la sheegay inay ku hayaan dalka Holland, sidoo kale ayaa waxaa arintaaas wel wel weyn ka muujiyey qaar badan oo ka mid ah madaxda wadamada midowga reer Yurub ayagoona ku tilmaamay sameynta bogaasi inuu yahay mid ka hor imaanaayo heshiisyada u dhexeeya wadamada ku midoobay Yurub iyagoona codsaday in si deg deg ah loo joojiyo websitekaas.




Ugu dambeyntiina iyadoo xisbiga PVV oo ah mid horey ugu caan baxay naceybka dadka Muslimiinta ah ayaa ayaa waxaa arintaas iska fogeeyey ra’iisal wasaaraha dalka Holland Mark Rutte oo ku tilmaamay arintaas mid u gaar ah xisbigaas, Laakiin maadaama dowlada ra’iisal wasaarahaasi ay ku dhisan tahay taageerada xisbigaas cunsuriga ayaa ay dad badani filayeen inuusan ra’iisal wasaaruhu ka hor imaan karin arintaas uu ku kacay xisbigaas cunsuriga ah, Sidoo kale ayaa waxay dad badani ay saadaalinayaan in ujeedada ka dambeysa arintaan ay tahay inuu xisbigaas uu helo taageerayaal badan maadaama dadka Polandeeska ah ay dad badan oo Holandees ah u arkaan inay qatar weyn ku yihiin dadka reer Holaand maadaama ay dadka u dhashay dalka Poland oo ah inta badan shaqaale jaban ama raqiis ah ay la wareegaan shaqooyinkk dadka Holland taas oo keentay inay shaqo la’aan daran soo wajahdo dad badan oo reer Holland ah iyadoona arintaas ay keentay in wadamo badan oo Yurub ah in la naco dadka u dhashay dalka Poland.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com