Uncategorized

Seynab Laba Dhagax oo 21 Sano Kadib Muqdisho Tagtay (Daawo Sawiro).

.

Seynab Laba Dhagax oo 21 Sano Kadib Muqdisho Tagtay
iftineducation.com –   Fanaanada caanka ah Seynab Xaaji (Seynab Laba dhagax) oo ka mid ah Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa mudo 21 sano sano kadib waxa ay dib ugu laabatay gudaha wadanka Soomaaliya.

Fanaanada ayaa saaka waxa ay ka soo degtay Garoonka diyaarahada ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen qaar ka tirsan Fanaaninta Muqsisho iyo Taageerayaasheeda.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Cabdikarim Ilka Jiir iyo Fanaaninta Kooxda Waaberi ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Fannaanadda Seynab ‘Labadhagax’ ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde.

Safarka ay Maanta Magaalada Muqdisho ku tagtay Fanaanada Seynab Laba dhagax ayay ku macneesay in uu yahay mid ay Deeq ugu sido Barakacayaasha ku jira xerooyinka Qaxootiga ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba Fanaaniin dhowr ah ayaa horey Magaalada Muqdisho u yimid waxaana Fanaaniintaasi ka mid ahaa K’naan Cabdi Warsame. 
Seynab Laba Dhagax
Seynab Laba Dhagax 
Seynab Laba Dhagax 

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com