Uncategorized

R/wasaare Ku Xigeenka Turkiga Bekir Bosdag oo goordhaw Magaalada Muqdisho yimid iyo Diyaarada Turkish Airways oo Duulimaadkeeda Muqdisho toos uga bilaabeysa

iftineducation.com – Waxaa Goordhaw Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi balaaran uu hogaaminayay Raizxul Wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga kuwaa oo si diiran loo soo dhaweeyay.


Wafdiga la socda Raizul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bosdag ayaana si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoona soo dhaweynta wafdiga ee qeyb ka ahaayeen Raizul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada.

Wafdiga ayaana intii ee garoonka ku sugnaayeen waxa ee salaan sharaf ka qaateen Ciidanka Soomaaliya iyadoo sidoo kale halkaasi lagu tumay Muusikada labada Dal Soomaaliya iyo Turkiga astaanta u ah.

Garoonka Aadan Cadde ayaana maanta wax badan ka badlnaa sidii hore waxaana garoonak maanta ka muuqatay qurux dheeraad ah waxaana lagu xardhay calamada Soomaaliya iyo Turkiga.

Wafdigan ayaana la filayaa in Kulamo la qaataan Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya eena sidoo kale kormeeraan qeybno kamid ah Magaalada Muqdisho oo Dowlada Turkiga Mashaariic badan ka fulisay kuwana hadaka fulineyso.

Ujeedka wafdigan ayaa waxa ugu horeeya in Raizul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bosdag uu xarga ka jaro Diyaarada Turkish Airways oo maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga bilaawi doonta Duulimaadka Diyaaradeed ee lagu tago Dalal Badan oo Caalamka ah.

Waxaa sidoo kale Socdaalka Raizul Wasaarah Turkiga ee Muqdisho ku yimid qeyb ka ah fulinta Mashaariic badan ee Dowlada Turkiga balan qaaday kuwaa oo kamid ah Dhisida goobaha Waxbarashad ,Caafimaadka iyo goobo kale oo Muhiim ah.

Dowlada Turkiga ayaana hormuud ka ah Dowladaha sida gaarka ah u garab taagan Walaalhooda Soomaaliyeed iyagoona usoo gurmaday Xiligii abaarta Dalka ku dhufatay hadana ee wali ku hoolanyihiin Mashaariic dadka iyo Dalkaba wax u taraya.

Waxii Warar ah iyo Sawiro ee kusoo kordha Socdaalka Wafdigan kala Soco Wararkayaga Danbe Insha Allah.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com