Uncategorized

Manchester City Oo Ganaaxeysa Balotteli ,Kadib Markii Lagu Arkay? teamtalk.com

iftineducation.com – Kooxda Man City ayaa ganaax lacageed oo gaaraya 250 oo gini dul dhigeysa weeraryahankooda dabeecada qalafsan ee Bolotelli.

Wargeyska The Sun ayaa laga soo xiganaya in laacibka lagu arkay goob lagu caweeyo oo aan cayaartooyda loo ogaleyn oo ku yaal liverpool 36 saac ka hor kualnkii Bolton ee xalay.
Tababaraha City Mancini ayaa shaaca ka qaaday in ay eegi doonaan sawirada sida qarsoodida looga qaaday ka dibna ganaax adag dul dhigi doonaan.
Mid ka mid ah labadii gool ee ay City ku guuleysatay waxaa u dhaliyay Bolotelli .
Laacibkan ayaa caan ku ah kicinta doodo badan waxa uuna la kulmay dhowr ganaax tan iyo markii uu yimid kooxda City.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com