Uncategorized

Gudoomiyaha Premier League: FIFA iyo UEFA Anaga Ayay Naga Soo Xadeen Kubada Cagta.

.

Dave Richards 
iftineducation.com – Gudoomiyaha Premier League Sir Dave Richards ayaa ku eedeeyay FIFA iyo UEFA inay kubada cagta ka soo xadeen England.

Waxa uu ka hadlayay shir isboortiga looga hadlayay oo ka dhacay Qatar, waxaana sidoo kale ka qeyb galayay madaxweyne ku xigeenka FIFA Amiir Ali Bin Hussein.
Richard ayaa u sheegay si ku celcelis ah dadkii ka soo qeyb galay shirkaasi in adduunka ay tahay inay uga mahaceliyaan England abuuritaanka kubada cagta.
“England ayaa siisay aduunka kubada cagta. Waxa ay siisay wax dhaxalgal ah waxa ugu fiican. Ciyaarta anaga ayaa siinay adduunka” ayuu yiri Richards oo sidoo kale ah xubin ka mid ah FA-ga.
“Muddo 50 sanno ah anaga ayaa iska laheyn ciyaarta. Anaga ayaa xukumeynay ciyaarta. Anaga ayaa qornay sharuucda, anaga ayaa habeynay garoomada iyo wax kasta”
“Ka dib 50 sanno kale, qof ayaa iska yimid waxaana uu nagu dhahay beenoolayaal ayaad tihiin, ka dibna waa ay xadeen. Qofkaas waa FIFA”
“Hadana 50 sanno kale, tuugo kale ayaa timid oo la yiraahdo UEFA iyagana in kale ayay sii xadeen”
Premier League ayaa iska fogeysay hadalada gudoomiyahooda, waxaana ay soo saareen warbixintan:
“Sir Dave waxa uu shirkaasi uga qeyb galayaa si shaqsi ah, hadaladiisana ma matalaan aragtida Premier League”
Muran ayaa ka taagan adduunka oo ku aadan cida hal abuurtay kubada cagta inay yihiin England iyo China.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com