Uncategorized

Exclusive : Shabaab oo heshay Qalab Casri ah”Beesha Caalamka oo kawalaacsan.

iftineducation.com – Ayadoo Xarakada Al-shabaab ee dhawaan ku biiray urur weynaha Al-Qaacida aysheegeen inay heleen gantaalo casria h, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado diyaaradaha dagaalka, laguna riday dhawaan labo diyaaradood oo howlo basaasnimo ah ka sameynayey deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan soo baxaya faahfaahin arrintaasi la xiriirta gaar ahaan nooca uu yahay gantaalka Shabaabku ku rideen diyaaradahaasi oo lagu sheegay mid casi ah iyo walaaca ay ka qabaan dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Midowga Afrika ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Telefishinka Sky News ee fadhigiisu yahay magaalada London war uu baahiyey bishii February ee aynu soo dhaafnay ayaa waxa uu kaga hadlay warar uu helay oo ku aadan in ugu yaraan 30 gantaalaha lidka diyaaradaha ay heleen xoogagga Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo hubkaasi uga yimid dhinaca dalka Liibiya ka dib markii ay dhacday xukuumaddii Mucamar Al-qadaafi, wuxuuna taleefishinku warkiisa intaasi ku daray in mid ka mid ah gantaalahaasi lagu baroobooyey labo diyaaradood oo uu Mareykanku leeyahay oo dulmarayey deegaanka Ceelasha-biyaha.
Telefishinka oo soo xiganayey warar dhanka mukhaabaraadka oo ka soo gaaray magaalada Muqdisho iyo sirdoonka reer galbeedka ayaa waxa sheegay in gantaalada ‘SAM 7′ ee garbaha laga rido, lana mid ah gantaalkii loo adeegsadey weerarkii 10-sano ka hor lagu qaaday diyaarad Israa’il laga leeyahay oo ka kacday garoonka diyaaradaha Kismaayo ay soo gaareen xoogagga Al-shabaab, iyadoo hubkaasi uu ka degay dekadda magaalada Kismaayo.
Qaar ka mid ah sirdoonka reer galbeedka oo uu taleefishinka soo xigtay ayaa walaac weyn ka muujiyey in gantaalahaasi ay dhici karto in loo gudbiyo dalka Kenya ama wadamada kale ee Geeska Afrika, kuwaas oo loo adeegsan karo weeraro dhanka circa ah, waxaase qatarta ugu weyn soo wajaheysaa ciidamada Kenya ee howlgalka ka wada Koonfurta Soomaaliya ay tahay in diyaaradahooda la bartilmaameedsado, kuwaas oo diyaaradahooda dagaalka ee ciidamada cirka iyo kuwa khumaatiga u kaca ay u noqon karaan bartilmaadeedka gantaalahan.
Sky News waxa kale oo uu sheegay inay jirto cabsi kale oo laga qabo in loo adeegsado gantaalahaasi weeraro lala beesado diyaaradaha ganacsiga, iyadoo taasi noqon karto aargoosi ku aadan howlgalada ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Yugandha oo dagaal culus Muqdisho kula galay ciidamada Al-shabaab, talifshinku wuxuu intaasi ku daray in ganataalahaasi ay ka mid ahaayeen hubkii laga boobay bakhaaradii hubka ee dowladdii Col. Qadaafi, isla markaasna Soomaaliya si qarsoodi ah loo soo geliyey.
Bishii February Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay isku raaceen in la balaariyo ogolaanshaha howlgalka ciidamada AMISOM, isla markaasna ciidamadaasi la gaarsiiyo17,700 waxaa ka mid ah qaraarkaasi in ciidamada AMISOM adeegsan karaan diyaaradaha khumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopters-ka si ay u wiiqaan awoodda Al-shabaab, laakiin adeegsiga diyaaradaasi awood waxaa si weyn hoos ugu dhigi kara haddii xoogagga Al-sabaabku adeegsadaan gantaalaha SAM7 ee haatan la sheegay inay heleen sida ay sheegayaan qurubarada dhanka dagaalka.
“War uma hayno habka ay u shaqeeyaan gantaalahaasi, waxaa jirta rajo oo ku aadan inay ku shaqeyn batariyada, laakiin innagu waxaan u qaadaneyynaa kuwa shaqeyn kara, waxaana heynaa warar la isku haleyn karo oo ku aadan in hubkaasi uu yaalo magaalada Kismaayo” sidaasi waxaa yiri diblumaasi sare oo ku sugan Muqdisho oo diiday in magaciisa la xuso, kana tirsan saraakiisha Mareykanka.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com