Uncategorized

Diyaaradda Turkiga Oo Maanta Go’aan Ka Gaaraysa Duulimadka Muqdisho.

..

Turkish airline mogadishu-istanbul.
iftineducation.com – Kadib markii madaxda dowladda ku meel-gaarka ah ay isku qilaafeen xaalka diyaaradda Turkish Airlines iyo sidii laga yeeli lahaa lacagaha xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay duulimaadyada Istanbul-Muqdisho, ayaa waxa la filayaa in shirkadda Turkish Airlines ay maanta go’aan ka gaarto duulimaadkeeda Muqdisho. Duulimaadkii jimcihii lasoo dhaafay ayaa baaqday kadib markii ay shirkadu sheegtay in lacagaha canshuurta ah ee la dulsaaray aysan xataa ka dhiibin duulimaadyadeeda Yurub, waxayna u aragtay go’aanka wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya mid daandaansi ah oo la doonayo in lagu joojiyo duulimaadyada cusub.

Go’aanka lagu fadhiisinayo diyaaradda Turkiga ayaa waxa la rumaysan yahay inay iska kaashadeen shirkadihii hore ee diyaaradaha iyo qaar ka tirsan madaxda sare ee dowladda oo u arkay inay dani ugu jirto in la joojiyo duulimaadyada cusub ee shirkadda Turkish Airlines.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa iibisay durbadiiba tigidhada duulimaadyadeeda Istanbul-Muqdisho labada bilood ee soo socota, waxayna ku qasbanaan doontaa haddii laga joojiyo duulimaadyadaas inay u celiso macaamiisheeda cusub lacagaha ay ka qaaday. Haddii uu maanta baxa duulimaadka Istanbul-Muqdisho waxa la rajaynayaa in la xaliyay qilaafkaas, haddiise uu baaqdo mar kale waxay u badan tahay inuu sidaas ku joogsado.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com