Uncategorized

Basaasiin soo bandhigtay Siraha Ciidamada NATO

iftineducation.com – Sarkaalka ugu sareeya ciidamada isba-heysiga NATO ayaa howlgal dhinaca Amniga Internetka ah galay kadib markii cinwaan been abuur ah oo barta Facebook-ga ay Magaciisa u isticmaaleen basaasiin u dhalatay Dalka Shiinaha kuwaasoo xaday siro Badan oo muhiim ah.

Saraakiisha ugu sareeya ciidamada Dalka Ingiriiska iyo Shaqaalaha Wasaarada Difaaca Ayaa fahmay ama ogaaday marka ay arkeen fariimo lagu codsanayo in la aqbalo oo ka Yimid cinwaan been abuur ah oo loo isticmaalay magaca Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada NATO ee lagu magacaabo James Stavridis
Hayeeshee Taliska Ciidamada NATO si rasmi ah uma cadeynin dadka ku lugta leh falkan Xatooyada ah balse waxaa laga fahmay cadeymo la helay in sirdoonka Dowladda Shiinaha ay jabsadeen Facebook-ga gaarka ah ee Sarkaalkan.

Ciidanka Isbaheysiga Hoggaaminaya.
James Stavridis

Sarkaalkan maanta la jabsaday boggiisa uu ku leeyahay barta Internetka ayaa ka masuul Ahaa ama hogaaminayay howlgaladdi Dalka Liibya ee lagu soo afjarayay Xukunkii Dheeree ee Marxuum Mu’amar Al-Gadaffi.

Sidoo kale Isba-heysiga NATO war ay ka soo saareen Magaalada Baris Ee Dalka Faransiisk ayey ku sheegeen in kooxaha isticmaalaya Bogga Facebook-ga ee mala Awaalka ah ay yihiin Sirdoon bar-tilmaameysanaya Saraakiil badan oo U Dhalatay Dalka Ingiriis ah waxaana ay codsadeen in boga been abuurka ah meesha laga saaro Hasa-ahaatee barta Facebook-ga ayaa u sheegtay Saraakiisha Nto inaannu boggan been abuur uu Sax-yahay.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com