Uncategorized

Ardayda Soomaaliyed ee waxkabarata wadanka Bangaladhesh oo Shahada sharaf gudoonsiiyay safiirka Dalka Turkiya ufadhiya Bangaladhesh, kulanna laqaatay

.

iftineducation.com – Waxaa maanta (Maarso 4, 2012) safaaradada dowlada Turkiya ee wadanka Bangaladhesh kulan aad iyo aad muhiim ahaa ku yeeshay guddi matalayay ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Bangaladhesh iyo safiirka dowlada Turkiya ee wadankan.

Kulankaaas oo muddo saacad ku dhawaad ah ka socday hoolka shirarka ee safaarada, intuu socday shirka ayaa waxay isla soo qaadeen xaaladaha ardayda Soomaliyed ee waxkabarata wadankan ayadoona gudiga ardayda soomaaliyed ay u gudbiyeen safiirka document ay ku xusnaayeen mahad celin balaaran ee ay u mahad celinayeen dowlada turkiya dadaalkii hagar la’aaneed ay lagarab istaageen umada soomaaliyeed iyo dhibaatoooyinka mararka qaar soo wajahda ardayda somaliyed ee waxkabarata wadankan.
Safiirka ayaa aad iyo aad ugu farxay booqashada kuna dhiira giliyay ardayda inuu isku dayi doono inta tabartiisa ah inuu waxkaqabto dhibaatooyinka mararka qaar soo wajaha ardayda uuna ku dadaali doono siduu u garab istaagi lahaa, asagoona gudoomay mahad celinti ay ardayda u wadeen umada turkiya gaar ahaana xukuumada turkiya.
Safiirka ayaa ka dhawaajiyay inay garab istaagnaan doonaan ummadda Soomaaliyed iyo ummadda islaamka guud ahaan, asagoona ardayda ku dhiira giliyay inay u dadaalaan wadankooda ayna isku dayaan inay wax u qabtaan wadankooda hooyo asagoona tusaala usoo qaatay in shaqsi kaliya uusan wax qaban Karin balse intii waxbaratay oo is kaashato ay waxqaban karaan waxna badali karaan.
Intaasi kadib ayaa ardaydii Soomaaliyeed waxay gudoon siiyeen safiirka shahaado sharaf ay ugu mahad celinayeen walalahood Turkiga dadaalki hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen walaalahood Soomaaliyed gaar ahaan xukuumada turkiya, shahaada sharafkaas oo uu safiirka si farxad ay ku dheehan tahay ugudoomay asagoona ugu mahad celiyay ardaydii.
Ugu danbayntii waxuu safiirka balan qaaday inuu waxkaqaban doono codsiyadii loosoo bandhigay intii uu awoodo dadaalkiisana uusan ka hagran doonin ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata wadankan Bangladhesh.



____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com