Uncategorized

Wuu I Qiyaanay Waliba i Dhaawacay Hadana Waxa Uu Iga Codsanayaa In Aan Saaxibo Guud Noqono , Ha Iga Xasdina Taladiina

iftineducation.com – Magaceygu Waa Layla kuna nool dalka Sweden ma jecleyn in aan dhibka i haysto banaanka soo dhigo oo bahda alcarabiya ku taxan soo weydiisto talo balse wareerka i haysta ayaa igu qasbay in aan banaanka keeno.

Waan rajeynayaa in qof waliba oo soo dha-dhamiyay cadaabka jaceylka beenta in aysan talada iga xasdi doonin ama qofkii kale ee qibrad talo ii heli kara .
Waxaan ahay gabar lagu qiyaamay jaceyl been ah oo hal dhinacahaa hankeyga kaliya ,waxa uuna jecelkaas soo jiitamay tan iyo markii aan ku jiray dugsiga dhexe oo aan Somaliya wada joognay .
Waxa uu wiilkaasi ii sheegay in uu i jecel yahay balse dhab kama aheyn kaliya shabaqa lagu dha-dhamiyo xanuunka jaceylka ayuu igu ridiyay , waxaana gadaal ka ogaaday in uu saaxibadiis kula soo balamay in uu jaceyl igu rido karo ka dibna banaanka iiga tagayo.
Inkastoo dhowr sano ay ka soo wareegatay isla markaana magaalo ii dhaw uu yimid waxa igu adag in an ilaawo waxa uu igu sameeyay taasi oo igu qasbeysa in ragga oo dhan aan naco .
Haatan waxa uu igu codsanayaa in aan noqono saaxibo guud oo isku dhaw iskana ilaabo dhaawacii uu ii geystay .
Hadaba maxaan ku iraahdaa oo aan sameeyaa waxaan jeclaan lahaa in aadan taladaada inta awoodaada ah iga xasdina.
xigasho:alcarabiya
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com