Uncategorized

Wiil Soomaaliyeed oo lagu Xukumay Xabsi Gaaraya 100-Sano kadib markii uu sameeyay Arin layaab oo dadku la argagaxeen

iftineducation.com – Maxkamadan oo ku taala Magaalada wajeer ee gobolka woqooyi bari ayaa xukunkan ku riday wiil Soomaali ah kaasoo ku eedeysan inuu kufsaday gabar lix sano jir ah.

Maxamuud Aadan Cali oo 20-sano jir Soomaali ah ayaa kufsaday gabar lix sano jir ah taasoo keentay in isagana la soo taago Maxkamadda Magaalada Wajeer.

Xaakimkii Maxkamadda ayaa wiilkan Soomaaliga ah ku xukumay ilaa 100 sano oo xarig ah taasoo ka dhigan in waligiis noloshiisa uu ku dhameysto Xabsi daa’in.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Magaalada Wajeer iyo guud ahaan gobolka woqooyi bari ayaa dabada ka riixayay xukunkan lagu riday wiilkan Soomaaliga ah ee xoogay gabar ka yar lix sano.

Qaar ka mid ah dad weynaha Magaalada Wajeer ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida xukunku u dhacay ismar ahaantaana qof walba uu ku tusaala qaadan karo.

Magaalada Wajeer ayaa waxaa ku badan falalka kufsiga iyadoona laba bil ka hor ay ahayd markii nin 50-sano jir ah lagu xukumay ilaa iyo 20-sano oo xarig ah kaddib markii uu fuksaday gabar da’ ahaan ka yar 15 sano.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com