Uncategorized

Whitney Houston oo Meydkeeda laga helay Hotel ay deganeyn

Whitney Houston
iftineducation.com – Fanaanada ahna Akttarada u dhalatay Dalka Mareykanka ee sida caanka ugu ah heesaha jeceylka iyo Filimada Action ka ah Whitney Houston ayaa maalintii sabtidii laga helay Meydkeeda Hotel ay marti ay ku eheyd oo ku yaalla Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka Beverly Hilton Hotel.

Lama garanayo sababaha ay u geeriyootay Fanananada Whitney Houston iyadoo ay Poliska magaaladaasi sheegeen in ay wadaan baaritaanno ku aadan geerideeda balse dadka ku dhow dhow ayaa waxa ay sheegeen in waayihi dambe ay si weyn u isticmaaleysay waxyaabaha Maandooriyaasha waxaanna la sheegay in habeenkii khamiista la arkayay meel ka mid ah Hollywoodka iyadoo cabsan oo qeylinayso marna Mikfoonka qabansneyso.
Whitney Houston waxa ay eheyd fanaanada loogu jeclaa sanadahii 1980 ilaa 1990 waxeyna qaadey heeso aad u badan iyadoo ay soo saartay ALbumo aad u xiiso badan oo si weyn loogu dhageysan jirey aduunka oo dhan waxaana ka mid ahaa Albumkeeda aadka u macanaa ee I Will Always Love You and Saving All My Love For You.inkastoo waayihii ugu dambeyay ay hoos u dhaceen heesaheeda hadane website ay leedahay Fanaanada oo lagu magacaabo tmz.com/in fananaada ay tukan jirtey habeenada Khamiista iyo Jimcaha sidoo kale fananada ayaa waxay fankaan ka dhexashay hooyadeed.
Fanaaniin iyo Jilaayaal ay ka mid yihiin George Merrill, Shannon Rubicam,iyo Rap mogul ayaa tacsi u direy dhamaan eheladii iyo taageeriyaashii ay ka geeriyootey fanaanada.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com