Uncategorized

War Deg Deg: Xoghayaha Arimaha Dibada Ingariiska oo Muqdisho yimid

iftineducation.com –Xoghayaha Arimaha Dibada Dowladda Ingariiska Wiliam Hegue iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyadoona si weyn Muqdisho loogu soo dhoweeyey.

Masuulkaan Arimha Dibada u qaabilsan Dowladda Ingariiska ayaa markii uu yimid Muqdisho waxa uu kulamo la qaatay Madaxda Dowladda KMG iyagoona goordhow qabtay shirjaraa’id ku aadan waxyaalaha kulamada looga hadlay.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana ujeedada wafdigaan uu hogaaminayo Xoghayaha Arimha Dibada Ingariiska ugu weyn la tasho ku aadan shirka 23 Febraayo lagu qaban doono magaalada Londan ee dalka Inagriiska.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com