Uncategorized

Tariikh Faneedka Deeqo Bilan (Daawo Heesaheeda Ugu Shidan).

Deeqo Bilan
iftineducation.com – Deeqa Ali Mire oo ku magac dheer “Deeqa Bilan” waa fanaanad kamid ah fanaaniinta da’yar ee sanadyadan loogu jecelyahay oo ku nool Minnesota USA. Deeqa Bilan waxay ku dhalatay magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada Wardhiigley waxayna kusoo barbaartay qurbaha, Deeqa Bilan waxay fanka kusoo biirtay sanadkii 2004. 

Deeqa Bilan waxaa fanka ku dhaliyey inoo soo gasho iyadoo markaas Abwaan Maxamud Abdullahi Ciise Sangub ka codsatay hees lagu amaanayo hooyadeed Nura Siyaad si ay ugu dhiibto fanaaniin kale, nasiib wanaag Sangub ayaa yiri oo maad adiguba qaadid heestas sidaas ayeey Deeqa Bilan u qaaday heestii Hooyo Nuran kuna hanatay magaca “Bilan” markaas ayuu yiri Sangub waxaa tahay fanaanad cod macaan waxaana hormuud u noqon kartaa fanaaniinta soo koreyso si ee u sameystaan heeso iyagu leeyihiin. Deeqa Bilan nasiib waxay nasiib u yeelatay inay noqoto fanaanad fanka kusoo gasha heeso ee leedahay. 

Sanadka markuu ahaa 2006 Deeqa Bilan waxay soo saartay albumkeedii ugu horeeyey laguna magac daray “Nura”. Deeqa Bilan oo marwalba jecel fanka Somaaliyeed inay kor u qaado, waxay kaloo qeyb libaax leh ka qaadatay ruwaayada cusub oo ka mid yihiin “Buufiska Qurbaha”, “Qurba Jaceyl” iyo “Buraanbur Film” Deeqa Bilan waxay u mahadcelineysaa dhamaan dadka umada Somaaliyeed ee jecel fankeeda iyo abwaanada soo gacan qabtay oo kala ah Maxamuud Abdullahi Ciise “Sangub”, Xasan Aden Samatar, Hibo Nura, Fadumo Qasim Hilowle, Abdullahi Boqol, Saado Ali Warsame, Abdinur Jazz, Cali Xasan Food Cade, Musikiistayaasha kala ah Xasan Cujeer Cajabi, Abdiwahab Cantar Naaji iyo Abdihakim Farayare. Mahad gaar ah waxaa leh Dur-Dur Studio iyo Hogaamiyaheeda Cabaas Kadiye.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Qaarka Mid Ah Heesaha Deeqo Bilan 


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com