Uncategorized

Shiinaha oo soo bandhigaya filim ku saabsan burcad badeeda dalka Soomaaliya.

Shiinaha oo soo bandhigaya filim ku saabsan burcad badeeda dalka Soomaaliya.
iftineducation.com –  Dalka Shiinaha ayaa markii ugu horeeyey waxaa lagu soo bandhigi doonaa filim documentaray ah 9ka bisha soo socota ee Maarso.
Sida ay daabacday Mtime.com filimkan oo loogu magac daray “Runta Somaliya” ayaa hordhac ka mid ah lagu daawaday dalka Shiinaha.

Filimkan oo uu sameeyey Lv Jianmin,ayaa ah markii ugu horeysey ee soo saarayaasha aflaamta ee dalka Shiinaha ay sameeyaan filim documentary ah oo ku saabsan dagaal ka dhacaya wadan kale.

Filimkaan ayaa xayaysiintiisa waxaa lagu soo sawirey haweeney qori sidata iyadoo lagu kor qoray qoraal ah “Dil Nabadda.”
Shiinaha oo soo bandhigaya filim ku saabsan burcad badeeda dalka Soomaaliya.
Sida uu sheegay soo saaraha filimkan kooxda filimkan jishey ayaa muddo 33 maalmood ah waxa ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya ee dagaaladu ragaadiyeen.

Soo saaraha filimkan ayaa isagoo ka hadlaya sababta ay naftooda ugu biimeeyeen dalka Soomaaliya ayaa yiri : “Waxaan rajaynaynaa in arrimaha ka jira dalka Soomaaliya ee aan soo bandhigi doono ay indhaha caalamka soo jiitaan. Marka aan samaynaynay filimkaan waxaan dooneynay in dadku ay ogaadaan arrimaha dhibaatoyinka leh ee ka dhacaya gobolkaas, waayo dadkaas waxa ay u baahan yihiin gargaar.”

Filimkaan ayaa waxaa uu ka hadlayaa dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya isagoo si gaar ah uga u taabanaya kororka burcad badeeda iyo argagaxisada ku sii kordheysa dalka Soomaliya.

Hordhaca filimka ee la daawaday ayaa waxaa ka dhex muuqda burcad badeed la xirayo kuna qeylinaya, “Annagu ma nihin burcad badeed, waxaan nahay Halyeeyo!”

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com