Uncategorized

Sharukh Khan Oo Si Halis Ah Isaga Joojiyay Sigaar Dhuuqidda

iftineducation.com – Jilaaga weyn ee dalka India Shahrukh Khan ayaa sheegay inuu gabi ahaanba iska joojin doono cabista Sigaarka kadib markii ay qaar ka mid ah asxaabtiisa iyo dadka sida gaarka ah u taageero kula taliyeen inuu iska joojiyo.

Shuhrukh Khan ayaa sheegay in uu ogyahay qatarta uu leeyahay cabista sigaarka isagoo intaasi ku daray in uu yareyn doono kadibna u joojin doono.
Jilaaga ayaa sidoo kale sheegay in cuduro badan laga dhaxlo Sigaarka balse waxa u sheegay inuu isaga balwad ahaan isticmaali jirey mudo badan hadase uu go,aansaday inuu iska joojiyo si buu yiri u helo caafimaad.
Shahrukh ayaa ka mid ah Aktarada dalka Hindia kuwaada ugu sigaarka cabka badan balse hadii uu joojiyo waxaa laga yabaa inu qaar ka mid ah Jilaayasha kale ee kula jira Bollywoodka ku daydaan iyadoo ay tallabadani noqon doonto mid ku dayasho mudan.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com