Uncategorized

Shahid Kapoor oo Shaqo La’aan Soo Wajahday Kadib….

Shahid Kapoor oo Shaqo La’aan Soo Wajahday
iftineducation.com – Iyadoo inta badan sanadkani 2012 ka cusub ay saxiixeen heshiisyo ku aadan jiliyada Filimada Aktaro badan oo ka tirsan Boolywoodka ayaa waxaa shaqo la,aan soo wajahday Jilaaga caanka ah ee Shahid Kapoor.

Jilaagan oo dhawaan sameeyay Filim Teri Meri Kahaani ayaa kadib Jilaagan waxaa soo wajahday shaqo la’aan baahsan isagoo ka muujiyay arintaas niyad jab weyn oo noloshiisa saameyn ku yeeshay.
“Aniga hada wax fikir ah kama dhiibanayo oo ku aadan shaqadeyda “ayuu Shahid Kapoor u sheegay warfidiyeenadda isagoo ay ka muuqatay in uu aad ugu xunyahay shaqa la’aantisa.
Si kastaba ha ahaatee Taageerayaasha Aktarkaan ayaa iyagana dhankooda walaac xoogani ka muujinaya sida ay ugu xunyihiin arintani iyadoo laga yaabo in sanadka dhexdiisa uu helo shaqo.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com