Uncategorized

Salman Khan oo Filim cusub ku dhigaya South Africa

Salman Khan
iftineducation.com – Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka India Salman Khan ayaa maalinta Isniinta la filayaa inuu gaaro magaalada Capetown ee dalka South Africa,si uu u halkaasi ugu soo jilo qayb ka mid ah Filim cusub oo uu doonayo inuu soo saaro.

Jilaaga ayaa lagu waramayaa in filim-ka cusub uu ugu magac daray SAABIR BINYAA, taasoo macnaheedu tahay Jacaylka oo aduunka ka dhamaaday.
Waxaa la sheegay in filim-kan qayb ka mid ah lagu diyaarin doono magaalada Capetown,halka qaybka kale la sheegay in lagu jili doono dalka Marocco.
Jilaaga ayaa la sheegay in booqashadiisa ay ku wehliso Kirishna Kabuur,taasoo la sheegay inay qayb ka noqaneyso jilidda filimkan.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com