Uncategorized

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in meesha ka baxday shakigii laga qabay shirka London

raisulwasaare gaas
iftineducation.com – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaaday shirkii London ee Madaxda Caalamka iyo dhinacyada qeybaha siyaasada Soomaalida shalay ugu soo gaba gaboobay, kaasoo laga soo saaray 26-qodob.


Dr. C/wali Gaas oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Soomaalida shirkaas ka qabeen shaki iyo warxuma tashiil, kasoo uu tilmaamay inay maleynayeen dadka in Maxmiyad lagu gelinayo shirka.
“Shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, runtiina meesha waxaa ka baxday shakigii iyo wararka dadka ay qabeen ee ahaa in dalka la gelinayo Maxmiyad, shirka waan soo dhoweyneynaa”ayuu yiri Dr. C/wali Gaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan wada hadal dhex mara Somaliland, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay sameeyeen, waxaana uu cadeeyay in Somaliland ay yihiin walaalo.
Shirkii London oo ay ka qeyb galeen ilaa 40-hogaamiye ka socday Caalamka ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday si is af-garad ah, iyadoo Caalamka markan u soo jeestay Xaalada Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com