Uncategorized

Qofkii Uu Xariirka Kaala Dhaxeeyay Waa Fog Yahay (Long Relationship Distance), Hadaba Maxaad Kuula Gudboon (Talo).

Lamanayasha kala fog maxa la gudboon
Ka fogaanshaha qofka uu jaceylka kaala dhexeeyo waa ay adag tahay hadana lagama fursanayo in labada lamaane midkood uu u baxo safar shaqo ama uu soo booqanayo asxaabtiisa si uu ula soo baashaalo .
In badan ayaad tabeysaa waana ay kugu adag tahay balse Alcarabiya ayaa ku siineysa habab kaa saacidayaa arintaas iyadoo xariirka gacaliyahaaga/gacalisadaada uu sii taagnaanayo .
Kala Sheekeyso Net-ka: Tiknoolijiyada casriga ah ayaa gacan ka geeysaneysa in qofka xariirka kaala dhaxeeyo hesho xili waliba .ogaaw idinka oo kala fog in hadana xariirka socon karo .
Haka Maseerin Saaxibiyaasha Gabdhaha Ah: waxa laga yaabaa in gacaliyaahada uu la baxo saaxibaayaashii oo ay ku jiri karaan gabdho, marka uu muuji in aadan qalad u arag arintaan , taasina jaceylka uu ka qaabo ayay sii kordhineysa , hana aaminin in saaxibkaada uu ku qiyaano taasi oo la xariirta asxaabtaas uu dhex joogo.
La Wada Socda Barnaamijkii Aad Daawan Jirteen: Kala fogaanta labadiina micnaheedu ma ah in aydan la socon karin barnaamijkii aad ku taxneedeen , wac oo u sheeg in aad daawaneyso barnamaijka kana codso in uu daawo , ogaaw waxaan dhan aan kuu sheegayo waa qeyb ka mid ah nolosha Romantic.
Qorsheey Booqasho: qorsheey in aad booqato xabiibkaada/xabiibtaada adiga oo aan u sheegin oo kedis ah uga dhig haddii aad isu dhaw dihiin , hadiyadna aad u qurxoon uga nixi.
Ku Dheh Waxa Ku Soo Dhaca Qalbigaada: Ogaaw ragga waa dareemaan marka haweeneydu ay ku dhacaan wax ay dhibsaneyso, hadii ay careysan tahay ama ay murageysan tahay oo arimo mashquulinaya ay jiraan , waxaa kula gudboon in aad u sheegto wax waliba oo kugu soo kordha inta aad kala maqan tihiin .
Waxaan rajeynaya in arimahaan kaa saacidi doonaa in aad la qabsato xaaladaha ka dhalanaya inta uu ka maqan yahay qofka aadka xariirka la leedahay .

___________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com