Uncategorized

Odey Soomaliyeed oo La ildaran Jaceyl uu u Qaaday Gabar 25 jir ah

Odey Soomaliyeed oo La ildaran Jaceyl uu u Qaaday Gabar 25 jir ah
iftineducation.com – Aadan Siciid Bare Dadka Reer Muqdisho Badankii Waxa ay u Yaqaanaan (Duq Magaalo), Waa Odey Xariif ah oo Kaftan Badan, Goobaha Bulshada isugu Timaadana Marka Lagu Kaftamayo Dadku Afkiisa uun Bey Fiiriyaan, Qaar Asxaabta ay aadka isu Bar Garanayaane Ag-tooda Qadarin ayuu Ku lahaa.

Hayeeshee Bilihii Lasoo Dhaafay Waxa uu Ahaa Mid Sumcaddi Bulshada uu ku dhex lahaa Inyar Inyar Usii Dhamaaneysay Kadib Markii Jaceyl Daran uu u Qaaday Gabar 25 jir ah oo Ladhihi Karo Da,diisa Waa ay ku Sedex Jibaarmeysaa.
Duq Magaalo oo Kamid ah Dadka Muruqmaalka ah ee Ku Nool Magaalada Muqdisho Ayeey Xaaskiisii uu Horey u Qabay Sanadii aynu Soo Dhaafnay bilowgeedii Ku Qur Baxday Madfac ku Habsadayb iyada oo Mareysa Mid Kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Geeradi Xaaskiisa Kadib Waxa uu dareemay Cidla laba Dhinac ah;-
1- Midi Waa Caruurtii oo Daryeel La, aan Diifi Ka Muuqato.

2- Naftiisa oo u Baahan Wehel Ka Baa Bi,isa oonka Caashaqa ee Da,da 75 jirka ku Asiibay.

Duqmagaalo Waxa uu Dagay Qidadii uu Kusoo Xero Galin Lahaa Qoftaas Qalbigiisa Dagtay, Kaarta Walba oo uu Jeexana Waa uu Ku Guul Daresanayay oo Gabadhaas 25 jirka ah ee uu Jaceylka aysan u ogeyn u qaaday Waxa ay Hor Dhigtay Rabitaankiisa Kaarka Cas ee Muujinaya Calaamadda Mayada ah.
Hadaba Duq Magaalo Haatan Waxa uu la Daalaa Dhacaya Jaceylkaas Ka Dhigay inuu Gabi Ahaanba Faarujiya Goobihii Kaftanka Leysugu imaan Jiray ee uu Caanka ka ahaa, ninkii kaftanka Badnaa ee Afkiisa Lafiirin Jiray Asagaba maaha oo afkii Baa juuqda Gabay Jir ahaana Waa uu Dhamaaday,
Aqrista Fikirkaaga waa muhiim ee Odeygaas Maxaad Tala ah oo aad siineysaa

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com