Uncategorized

Oday Wariye ah oo ku Qafiifay kooxda Ac Milan iyo Odaygaan oo Caalamka Qosolkii ka dhameeyay (Daawo yaabkaan)

iftineducation.com – Mid ka mid ah Odayaasha Wariyaasha ah ee ugu caansan dalka Talyaaniga ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku Qafiifay Naadiga Ac Milan oo hogaanka u haya horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A. Odaygaan oo wax ka tabiyo Ciyaaraha horyaalka Talyaaniga marka ay Live-ka yihiin ayaa waxaa dad badan La Yaab ku noqotay marka Naadiga Ac Milan Gool dhaliyaan Odaygaan waxaa ka dhamaado Cabaadka waxeeyna dadka qaar u maleeyaan inuu oonaayo oo kale.


Dad badan oo aan taageerin kooxda AC Milan ee Rossoneri ayaa Odaygaan Waayeelka ah Qeeyladiisa iska taageera waxeeyna iska jecleeysteen sida uu xaraarada ugu yeelaayo Ciyaaraha in kastoo Qofkii aan aqoon uu ku matali lahaa Shaqsi qac ah ama waalan oo ku Qafiifay naadiga Ac Milan.



Kulankii ugu dambeeyay ee naadiga Cesena Vs Ac Milan (1-3) wuxuu Odaygaan Wariyaha ah ku ooyay magaca Xiddiga Qaranka Ghana iyo kooxda Ac Milan Sulley Muntaari oo xiligaas kooxda Ac Milan Gool u saxiixay.


Taageerayaasha kooxda Inter Milan oo ay si aad ah isku neceb yihiin kuwa dariskooda AC Milan marka Telefishinada laga soo daayo Odaygaan Milan ku qafiifay waxaa la xaqiijiyay ineey ku sigtaan iska daminta Tv-ga maadaama uu Odaygaan Wariyaha ah si aan caadi aheeyn ugu qafiifay kooxda AC Milan 

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com