Uncategorized

Nugaal oo ku guuleysatay koobka gobollada Puntland, AKHRISO/DAAWO.

Nugaal oo ku guuleysatay koobka gobollada Puntland
iftineducation.com – Kooxda gobolka Nugaal ayaa hadda ku guuleysatay koobka ciyaaraha kubbadda cagta ee gobollada Puntland ee ka socday magaalada Garoowe.

Ciyaarta kama dambeysta waxaa isugu soo haray gobollada Nugaal iyo Karkaar.
Kooxaha Nugaal iyo Karkaar ayaa isla dhaafi waayay 0-0, waxayna ku kala baxeen rigoore, iyadoo 5-4 guushu ku raacday kooxda kubbadda cagta ee gobolka Nugaal.
Ciyaarta oo ka dhacay garoonka Mire Awaare ee Garoowe waxay aheyd mid aad u xiiso badneyd, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka Cabdisamad Cali Shire oo la filayo in uu isaga koobka guddoonsiiyo kooxda gobolka Nugaal.
Dadweyne fara badan iyo taageerayaal labada dhinac ah ayaa soo buux dhaafiyay garoonka Mire Awaare.
Tartanka cayaaraha gobollada hoos taga maamulka Puntland oo ahaa kii 6-aad ayaa 1-dii bishan ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana ka qeybgalay gobollada Nugaal, Mudug, Bari, Sanaag, Karkaar, Hayland, Sool iyo Cayn.
Xigasho: RBK

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com