Mucjisooyinka Aduunka : Wiil yar oo 7 sano jir ah ayaa dunida kaga yaabsadey habka jir dhiskiisa iyo weliba waxyaalaha uu sameynayo(Daawo)

Mucjisooyinka Aduunka : Wiil yar oo 7 sano jir ah ayaa dunida kaga yaabsadey habka jir dhiskiisa iyo weliba waxyaalaha uu sameynayo(Daawo)


Wiil yar oo 7 sano jir ah ayaa dunida kaga yaabsadey
iftineducation.com - Wiil yar oo lagu magacaabo GIULIANO STROE ee 7 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu dunida kaga yaabsadey habka jir dhiskiisa iyo weliba waxyaalaha uu sameynayo taa oo ay adag tahay inaysameeyaan caruurta da"adiisa oo kale ah iyo weliba qaar badan oo ka mid ah dadka waa weyn iyadoo tii ugu dambeysay oo uu sameeyey oo ka yaabisay dadka aduunka oo dhan ay ahayd ka dib markii uu wiilkkas dhalooyin ku sameeyey habka Push Upka loo yaqaan. 


wiilkaan yar oo ay dhalashadiisu ay tahay dalka Romania ayaa waxaa la sheegay inuu tababarkiisaan bilaabay laga soo bilaabo ilaa iyo markuu aad iyo aad uu u yaraaba, aabaha dhalay wiilkaan yar oo lagu magacaabo Iulian Stroe oo 36 sano jir ah ayaa waxaa uu sheegay inuu wiilkiisas uu ilaa markii uu yaraaba uu u raaci jirey tababarada la xiriira jir dhiska ee uu sameyn jirey asagoona waliba intaas raaciyey in wiilkaan walaalkiis oo ka yar oo lagu magacaabo Claudiu uu asagan siiyo hada tababr la mid ah kan walaalkiis oo kale.



Ugudambeyntiina iyadoo wiilkaan yar oo horey loogu qorey ama looga diiwaan galiyey buuga lagu qoro rikoorada aduunka ama heerka ugu sareeyso ee ay dadku sameeyaan ee loo yaqaano Guinness Book of Records taas oo ay magaciisana ku qoran yihiin laba rikoor oo kala ah kadib markii uu noqday qofkii ugu dhaqsiyaha badnaa abid ee ku socdo gacmaha qiyaas 10 mitir ah asagoo ay labadiisa lugood dhexdoodana ku sida ama ku qaadayo kubad culus iyo rikoorka push upka ayaa sidoo kale waxaa uu wiilkaan sheegay inuu yahay qof caadi ah oo markii uusan tababar sameyneynin uu wax sawiro, telefishinka daawado gaar ahaan kartuunka islamarkaana la ciyaaro caruurta kale.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com
thumbnail Title: Mucjisooyinka Aduunka : Wiil yar oo 7 sano jir ah ayaa dunida kaga yaabsadey habka jir dhiskiisa iyo weliba waxyaalaha uu sameynayo(Daawo)
Posted by:Aden Abdi
Published :2012-02-18T22:58:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Mucjisooyinka Aduunka : Wiil yar oo 7 sano jir ah ayaa dunida kaga yaabsadey habka jir dhiskiisa iyo weliba waxyaalaha uu sameynayo(Daawo)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Aden Abdi, Published at 22:58 and have 0 comments

No comments:

Post a Comment

Waa Ka Mamnuuc Cayda iyo Qabyaaladda, Waxeey ufurantahay Kaliya Fikir Isweedaarsi Mahadsanidiin