Uncategorized

Mogadishu University Postgraduate Program

Logo Of Mogadishu University

OGAYSIIS MUHIIM AH

iftineducation.com, Mogadishu –Xafiiska Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Muqdisho waxa uu ogaysiinayaa ardayda dhameysatay waxbarashada heerka jaamacadeed oo heysata Shahaado Jaamacadeed (Bachelor) 4 sano ah, in Jaamacaddu qaadanayso dufcadii 4aad ee Master of Business Administration takhasusayada kala ah:

Project Management
    • General Management
    • Entrepreneurship
    • Human Resource Management
Waxaa kale oo sanadkaani Jamacadda ku soo kordhisay takhasusyada kal ah:
  • Master in Information Technology
  • Master in Education
  • PhD in Business Administration
  • PhD in Information Technology
  • PhD in Education
Barnaamijyadan Jaamacadda waxay la fulinaysaa jaamacado caalami ah.
Sida:
  1. OPEN UNIVERSITY MALAYSIA.
  2. ASIAN UNIVERSITY
Barnaamijkani wuxuu u fududeynayaa ardayda dhamaysatay waxbarashada heerka jaamacadeed:
  1. In ay diyaariyaan  daraasaad sare iyaga oo ay caawinayaan khubaro Caalami ah.
  2. In ay adeegsadaan Manhaj tayo leh iyo Technologiyad casri ah.
  3. In ay helaan tacliin tayaysan iyaga oo aan ka dhoofin dalkooda hooyo, watana hawlahooda.
Qabashada faylashu waxa ay ka bilaabanaysaa xarunta Jamacadda Muqdisho ee Bosaso, Maalinta Talaadada 23/August/2011 waxayna ku egtahay   10/ September /2011.
Saacadaha shaqadu waa 8:00 subaxnimo  ilaa  12:00 duhurnimo iyo . 4;00 galabnimo ilaa 6:00maqribnimo
Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la xiriir Xafiiska daraasaadka sare ee jaamacadda Muqdisho
———————–
P.O. Box: 27081 Dubai, U.A.E.
Tel:00252-59-32454 / 00252-1-658479, Somalia    Fax: 00252-1-216820, Somalia



Source: Somalitalk.com

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com